Ciidamada amaanka ee dalka Ruushka ayaa xabsiga u taxaabay nin goob baaritaan oo been-abuur ah ka sameystay meel u dhow xadka ay wadaagaan waddamada Ruushka iyo Finland.
Ninkan oo ah dadka sida sharcidarrada ah wax u tahriibiya ayaa doonayay inuu khiyaano afar qof oo shaqaalaha soo galootiga ah, wuxuuna uga dhigayay in markii ay goobtaas baaritaanka ka gudbaan ay u maleeyaan inay galeen waddanka Finland.
Markii uu halkaas gaarsiiyay ayuu isaga tagaty, waxayna u heysteen inay ku dhex jireen waddan ka tirsan midowga Yurub, laakiin xaqiiqadu waxay ahayd inay ku sugnaayeen keyn ku taalla duleedka magaalada Vyborg ee dalka Ruushka.
Xoogaa ka dib, afarta tahriibe, oo kasoo jeeday Koonfurta Aasiya ayaa waxaa istaajiyay ciidamada saxda ah ee ilaalada xuduudda, kuwaasoo u sheegay inay wali ku jireen gudaha Ruushka.
Ninka tahriibiyaha ah ee khiyaanada ku sameeyay ayaa afartooda midkiiba ka qaatay lacag dhan €10,000 (oo u dhiganta $11,000).
Dhammaan shanta ninba waxaa lagu soo warramay in la xiray 28-kii bishii November ee lasoo dhaafay.
Maalintii Arbacada, maxkamad uu sladhiggeedu yahay magaalada St Petersburg ayaa lacago ku ganaaxday ragga doonayay inay si sharcidarro ah ku galaan Finland, waxayna amartay in laga musaafuriyo Ruushka.
Hase ahaatee ninka tahriibiyaha ah ayaa wajahaya dacwad adag oo la xiriirta khiyaanada lagu qaato lacagaha.
Booliska ayaa u gudbiyay xabsi, isagoo sugaya in la dhageysto dacwaddiisa.
Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay shaaciyaan waddanka uu u dhashay ninkan, ama uu asal ahaan kasoo jeedo.
Muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada ee Ruushka ayaa muujiyay xarigga ninkaas.
Sanad walba dad badan oo kasoo kala jeeda Aasiya iyo Afrika ayaa dhibaatooyin dhimasho, xarig iyo jirdil la kulma iyagoo isku dayaya inay u tallaabaan qaaradda Yurub.
Dadkan ka cararaya waddamadooda ayaa mar walba sheega inay raadinayaan nolol dhaanta midda ay horay u heysteen.
Meelaha ugu khatarta badan ee ay tahriibeyaasha hiigsanaya Yurub sii maraan waxaa ka mid ah Liibiya, iyagoo markaasna safar ku gala badda Mediterranean-ka, taasoo loo arko marin biyoodka ugu dhimashada badan caalamka.
Muhaajiriinta ayaa sidoo kale tacaddiyo badan kula kulma gudaha Liibiya.

Sanadkii 2018-kii, hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa dalalka Midawga Yurub ku eedeysay inay si la ogyahay kaalin ugu leeyihiin jir dilka iyo tacadiyada loo gaysto qaxootiga iyo dadka soo galootiga ah ee Liibiya ku sugan.
Midawga Yurub ayaa si joogto ah u taageeraya “hab tacadi iyo ku takrifal” ka abuuraya xeebaha Liibiya, arrintaas oo qayb ka ah dadaallada ay ku horjoogsanayaan qulqulka muhaajiriinta sida warbixinta Amnesty lagu sheegay.

Dadka Talyaaniga gaaraya iyaga oo badaha sii maraya ayaa aad hoos ugu dhacay tan iyo markii uu Midawga Yurub billaabay in uu gacan qabto ilaalada xeebaha ee Liibiya.
Laakiin Amnesty waxay sheegtay in ilaalada xeebuhu ay la shaqaysanayaan burcad dambiile yaal ah oo gaystay tacadiyo kala duwan, iyadoo ay arrintaan ogyihiin masuuliyiin Midawga Yurub ka tirsan.