Ganacsatadii Dhexdhexaadinta Ka Dhex Waday Xisbiyada Mucaaradka Iyo Madaxweynaha Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Kulan Ay Madaxweyne Muuse Biixi La Yeesheen Iyo waxay Kawada Hadleen

0

Guddida ku hawlan dhexdhexaadinta mucaaradka iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ay Madaxweynaha ka heleen kalsoonida ay ku dhexdhexaadinayaan labada dhinac kadib markii ay dorraad kalsoonida ka heleen labada xisbi mucaarad.

Waxa ay sheegeen in shalay ay madaxweynaha la kulmeen, islamarkaana uu bixiyay amar ah in la sii daayo madaxda mucaaradka ka xidhan.

Madaxweyne Biixi ayaa qaaday tallaabooyin dhawr ah oo ka mid

yihiin ku adkaysiga xubnaha Komishanka ee lagu muransan yahay kuwaas oo baarlamaanku ansixiyay lana dhaariyay.