Xuutiyiinta oo saddex markab oo mid Sucuudigu leeyahay qabsaday

0

Xuutiyiinta ayaa shaaciyey in ay dhanka koonfureed ee Badda Cas “ku qabteen saddex markab oo midkood Sucuudigu leeyahay lana yidhaa Raabiq”.

Telefishanka Al-Masiirah ee Xuutiyiinta ayaa tilmaanay in dagaalyahannada kooxdaasi ay “Saddexdaa Markab ku qabteen meel 3 Mayl u jirta jasiiradda Cuqbaan markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ogaysiis ah bixin”.

Telefishanku wuxu intaa ku daray in “dhegaha ay ka furaysteen shaqaalaha markaabiistaasi ilaalada xeebuhu tahay badheedh cad oo lagu jabinayo xeerarka caalamiga ah iyo ku xad gudub madaxbannaanida Yemen”.

Waxa kale oo Telefishanku sheegay in Maraakiibtaa la geeyey dekadda Saliif isla markaana laga qaadayo talaabada sharci ee ku haboon oo ay baadhayaan laamaha ku shaqada lihi.

Huwanta Sucuudigu hogaamiyo ayaa iyaguna mar hore xaqiijiyey in “Xuutiyiintu Badda Cas ku af-duubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed”.

Wakaaladda wararka Sucuudiga ayaa iyaduna ka soo xigatay af-hayeenka xulufadaas, Turki Al-Maaliki, inu yidhi “ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ayaa galabnimadii Axaddii dhanka koonfureed ee Badda Cas ku af-duubay markab”.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Yemen ay ku dhinteen 7000 iyo dheeraad qof oo badankoodu rayid yihiin, laakiin dadka xaaladda aadka ula socda ayaa rumaysan in tirada dhimashadu intaa ka badantahay.

Dagaalkaasi waxa uu sidoo kale sababay duruuftii aademenimo ee ugu xumayd ee haatan dunida ka taagan, maadaama ay kumanaan qof oo rayid ah nafaqo darro, cudurro iyo dawo la’aan u dhimanayaan.