
Qaramada Midoobeey ayaa dhawaan muddo sanad ah ku kordhisay cunna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Warbixin ay gudbiyeen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobeey oo baaritaan ku sameeyay cunna-qabateynta hubka ayaa sheegay “in marar kala duwan la jebiyay cunaqabateynta”, uuna Soomaaliya “galo hub sharci darro ah”.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ay uga jawaabeyso warbixinta oo ka hadleysa arrimo kala duwan. Sidoo kale Maamulka Puntland kama aysan hadlin “hubka la sheegay in dhankaas uu Soomaaliya ka soo galo”.

Hubka Dowladda Federaalka ee gacanta u galay kooxaha ka ganacsada hubka
Bishii Agoots ee sanadkan, koox khubaro ah ayaa diiwan geliyay hub dhan 38 qori, kuwaas oo lagu iibinayay suuqa hubka madow ee kooxaha hubka ka ganacsada, kuwaas oo leh sumada hubka ay dowladda la soo degtay.
Kooxda khubarada ee Qaramada Midoobay waxaa kale oo ay dabagaleen qaar kamid ah hub lahaa sumadda dowladda oo ay la soo degtay Sabtemabr, 2014-kii, Juun 2017-ka iyo July 2017-kii.
93 kamid ah bastooladaha ay la soo degtay dowladda federaalka ayaa waxaa ka muuqatay cadeymo muujinaya in la isku dayay in laga fujiyo sumadda dowladda, tallaabadaas oo ah middii ugu horeesay ee ay arkaan khubarada.
Cadeymo ay khubarada ka heleen saddex qof oo ka ganacsada hubka waxaa ay xaqiijiyeen in hubka dowladda ay ” iibsadaan saraakiil sare iyo kuwa xilal hoose ka haya ciidanka dowladda”.
Hubka militariga ee gacanta u gala Al Shabaab
Kooxda khubarada Qaramada Midoobay waxay diwaangeliyeen hub ay Al Shabaab kala wareegtay dowladda, hubkaas oo ay ka mid yihiin qoryo, rasaas, baabuur iyo basuukayaal iyo baaburta gaashaaman ee Dowladda.
Bastooladda nooca loo yaqaanno Luger pistol oo ay Dowladda Federaalka soo iibsatay sanadkii 2014-ka ayaa waxaa ay khubarada shegeen in Al shabaab ay u adeegsatay dilka booliska Dowladda 27-kii Jnaayo ee sanadkan.
Al Shabaab ayay sidoo kale Qaramada Midoobay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay babaur milatreri, lidka diyaaradaha iyo rasaas fara badan mudo laba asbuuc gudahood oo ay weerar ku qaadeen saldhigyada Dowladda ee El Salini, Shabeelaha hoose, Moqokori ee gobolka Hiiraan, dagaaladaas oo ay Qamara Midoobay shegtay in ay dhaceen 22 Sabtemabr ee sanadkan 2019 iyo1-da Juun ee 2018.
Hubka sharci darrada ah ee ku qulqulaya Soomaaliya
“Puntland“: Warbixinta waxaa lagu xusay in “Puntland ay weli tahay meesha uu Soomaaliya ka soo galo hubka sharci darrada ah”.
“Hubkan sida caadiga ah waxaa lagu soo qaadaa doomo yaryar oo ka yimaada yaman.” 4-tii bishii March ee 2019, doomo hub iyo rasaas siday ayaa gaaray xeebaha Puntland ee u dhexeeya Boosaaso iyo Qandala”, ayey tiri warbixinta.
Khubarada Qaramada midoobeey ee qaabilsan cunna-qabateynta hubka waxay sheegeen in ay “sii wadayaan baaritaanka ku saabsan xiriirka dhaqaale ee ka dhexeeya dullaaliinta hubka ee Puntland iyo kuwa ka soo iibiya ee Yaman ku sugan”.