Xukuumada Somaliland ayaa Xayiraad saartay telefishanka Horn Cable Tv, Waxaana Xabsiga loo taxaabay Tafafiraha Telefishanka C/qaadir Coday.
Xayiraada Telefishanka waxa noo xaqiijiyay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye isaga oo sheegay Inuu xayiray Telefishanka Horn Cable Tv.
Xayiraada tvga horn cable iyo xadhiga wariyaayasha ayaa imanaya kadib markii habeenkii xalay ahaa ay siidaayee barnaamij dib loogu geeyo madaxwayne biixi wakhtigii uu mucaaridka ahaa iyo ficilada uu ku kici jiray iyo manta waxa uu ku dhaqmayo

Dhanka kale tvga Horn Cable ayaa loo malanayaa in laga raacay warbixin laga diyaariyay madaar cigaal oo wakhtigan ku dhow in uu uxidhno adeeg xumo baahsan oo ku habsatay
Xayiraada Telefishanka looma Marin sifo sharci ah, waxaana Lagu xidhay Amar ka soo baxay Wasiirka Warfaadinta