Todabaadkii Tagay waxaa Dekada Berbera Lagu qabtay Koonteenar Lagasoo Buuxiyay Booshashka rasaasta Lagu Gurto ee Ciidamadu adeegsadaan iyo Galalka Baaskooladaha lagu rito oo aad utira badan.
Dekada Berbera waxaa ka mamnuuc ah in lagala soo dego agab kasta oo kamida waxyaabaha hubka loo adeegsado noocyadiisa kala duwan iska daa hadalkeeda rasaas nool iyo hube.
Hadaba Agabkan qalabkan ciidan oo dad shacab ahi siteen waxa qabtay booliiska Dekeda Berbera qaybta Laanta Ilaalinta Cashuuraha ee Turubataariyada siday warbaahintu xogta ku heshayna konteerarkan waxa lagu cashuuray in ay ku jiraan buldado huudhaydh ah ama dhar la Isticmaalay kuwaas oo xaga hore ee koonteenarka lagusoo guray Sida uu noo xaqijiyay sarkaal sare o ka tirsan madaxda dekada berbera
waxa iminka loo xidhay labo nin o mukhalsiin ah oo iyagu cashuurayay koonteenarkan iyo masuul ka tirsan kastamka berbera oo isagu fasaxay saxeexa u danbeeyayna ku dhuftay in lasii daayo inkastoo labo kamida shaqalaha kastamka oo midi sarkaal yahay masuuliyaduna isaga sarnayd aan la xidhin oo ay shaqadoodii sii wataan,
Sidoo kale Waxa Baxsaday labadii Mukhalis ee qalabkan Ciidan cashuuraayay hase yeeshe dabagal dheer laba maalmood kadib Booliska Dekeda Berbera soo Xidheen iyaga oo Markay Baxsadeena Koonteenarkii agabku ku jiray qufishay.
Waxa kaloo Jirta Koonteenarka oo Nimanka Mukhalisiinta ahaa ee Baxsaday uxidhnaa waxa shalay lagu furay waaran maxkamadeed iyaga oo goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Saaxil Booliska Iyo Maamulka sare Ee Dekeda Iyo Kastamka Berbera, dhacdadan ayaa sida aanu xogta ku helnay waxaa fashillyay askari katirsan Laanta Ilaalinta Cashuuraha ee Booliska Dekeda oo isagu aan shaqadaba lahayn laakiin meesha koontenarka laga rarayay marayay waxaanu waydiiyay sarkaal kastamka ka socday kumaa idiin raraya dhinac askarta isla markiiba sarkaalka la yidha Cabdiqani Khayre ayaa u hanjabay oo ku yidhi iska soco shaqadaadii maahee,
intaasi kadib askarigii hadalo ayaa la isdhaafsaday waxaanu dalbaday askar kale o tubataariayada ah halkas ayaana lagu fashliyay laakiin waxa iswaydiin leh sarkaalkii askarga u hanjabay shaqadiisii ayuu wataa ilaa hadana lama garnayo Sababta talabo looga qaadi waayay,
Dhanka kale koonteenarkani wuxuu ku diiwaan gashana Xafiiska shirkada ganacsiga Indha Deero group oo been abuur ah taasina wa danbi kale sida ay xog qarsoon usoo dusiyeen warbaahinta madaxa banana shaqsiyaad kamida hawl wadeenada Kastamka Berbera sidoo kale arinka kale ee layab kale ayaa ah in Ninka ka Socday Qaybta Eegitanka(Checking) ugu Horeya Kastamka ee Koonteenarka ee Examanerka ahaa iyo Labada sarkal ee ku Qornaa raritaanka Koonteenarka iyo labada Mukhalis ee Cashuurayay iyo Shaqsiga lehba ay isku qoys kasoo jeedaan tani ayaana shaki badan keentay in musuq maasuqani mudo soo taxnaa,
koonteenarkaa oo hadaba ku cashuuran buldado huudhaydh ah, Lama oga illaa iminka meesha lagu waday koonteenarkan ay ka buuxaan booshashka rasaasta lagu gurto iyo Galalka Boostaladaha Lagu Qaato Dabcana sida xogaha hoose ee ka imanaya laanta dambi baadhista ee Booliiska Gobolka Saaxil laga soo xigtay sheegayan wali badhitaan qoto wayn ayaay wadaan
Isku soo duuboo khladaadkan ka dhacay maamulka kastamka berbera waxa sababay aayay dad badan qabaan labada maamul e kastamka berbera e dusha la iska saaray iyadoo sidaynu ognahay aay ka timid in badan ganacsatada cabasho ku salaysan abada mamul e la isdul dhigay iyadoo maamulaha guud e kastamku ay awoodiisii daciiftay khilaaf ka dhex jira awgeed guud ahaanba shaqalaha is bursnaya e kastamka berbera,