Wasiirka Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa noqdey masuulkii ugu horeeyey ee u jawaaba hadalkii Dr Gabooose ee Shalay
Wasiirka oo hadlay VOA ayaa yidhi .
“Gaboose intii wax la isku dirayay wuu joogaa isagoo wasiirka arrimaha gudaha ah, wuxuu ahaa ninkii kaliya ee maxkamada noqday, shir beeleed ayuu ka qeyb galay, marka uu beelo ka hadlayo, isagaa dadka wax xumanaya ee dadka kala fogeynaya ka mid ahaa.
Waa dhakhtar weyn oo dadka ka faqiir ah aan u adeegin ka wax haystana ka qaada, waxaa habooneyd in dhakhtarka uu maanta gacanta ku hayo shacabka danyarta ah ugu naxariisto ee aanay tagin karin maanta.
Meel dhibaato ka jirto ma hayno haddaanu isagu abuureyn, jabhada uu sheegayaa waa Caarre oo maalin kaliya kamuu hadal Wabarna reerkiisa ayaa hor taagan Itoobiyana waan ka wada hadalnay.
Heshiisyo ayaa laga gaadhay arrinta doorashada oo odayaasha beeshiisa ayaa ka hadlay waxaa uu u qodqodayaa waa arrin kale sameeyo laakiin way ka fashilantay