Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir
Xaaji ismaacil Jirde, ayaa taageerayaasha xisbiyada ugu baaqay in aanay coloobin, waxaanu ugu baaqay xukuumada in la dhagaysto cabashada ka taagan Galbeedka iyo bariga dalka. Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in aanu la coloobi Karin madaxweyne Biixi iyo wasiirka arimaha gudaha Maxamed kaahin ee kaliyaata ay kala siyaasad duwan yihiin, waxaanu sidan ka sheegay shir balaadhan oo in badan oo ka mid ah asxaabta siyaasada ka qayb galeen oo uu Faysal Cali Waraabena ku jiro oo lagu qabtay dalka Ingiriiska