Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inaanay wakhtigan aqoonsanayn in dalkeeda lagu galo Baasaboorka Soomaaliga ee dawladda Soomaaliya.
Caroline Nokes, oo ah Wasiirka socdaalka ee Ingiriiska oo toddobaadkan dhammaaday suโaalo lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxa la weydiyay suโaal ahayd sababta ay dawladda UK dadka Soomaaliya ugu ogolaan weyday inay Baasaaboorka Soomaaliya ku tagaan Ingiriiska, ayaa waxay sheegtay inaanu Ingiriisku wakhti xaadirkan aqoonsanayn Baasaaboor Soomaaliga, waxaanay ku jawaabtay wasiiradu โIngiriisku hadda ma aqoonsana in Baasaaboorka Soomaaliya loogu socdaalo dalka Ingiriiska. Hase yeeshee, waxaanu dejinay talaabooyin lagu hubinayo in dadka sita Baasaaboorka Soomaaliga ee leh degenaanshaha sharciga ah eeย isha buโda laga sawiroย ee UK in
loo ogolyahay inay ku soo laabtaan Ingiriiska.โ
Waxay wasiiradu sheegtay inay qorshahan ku wargeliyeen diyaaradaha iyo maraakiibta ay dadku raacaan, โWaxaanan ku wargelinayn duulimaadyada caalamiga ah hab macaamilkan, waxaanan la wadaagnay xogtan wakiilada bulshada Soomaalida.โ Ayay tidhi.