Garoonka diyaaradaha ugu weyn Ingiriiska oo gebi ahaan xidhan maanta

0

Garoonka dayuuradaha ee Heathrow ayaa xidhnaan doonaa guud ahaan Jimcaha maanta ah, kaddib koronto la’aan ka dhalatay dab ka kacay xarun koronto oo ku taalla aaggaas

Gegida diyaaradaha ee Heathrow oo ah tan ugu mashquulka badan UK ayaa dadka rakaabka ah looga in maalmaha soo socda ay ku safraan “xaalad kasta” ilaa inta dib loo furayo.

“Si aan u ilaalino badqabka rakaabka iyo hawl-wadeenadeenna, ma heysano wax kale oo aan ka ahayn in aan xidhno Heathrow ilaa 23:59, 21-ka Maarso 2025,” ayaa yidhi afhayeen u hadlay.

Isaga oo intaasi raaciyay in tani ay niyad jab ku noqon doonto rakaabka ku safra diyaardaha, laakiin sida ugu macquulsan ee suurtagalka ah ay ka shaqaynayaan sidii xaaladda wax looga qaban lahaa.

Maamulka garoonku ayaa raaligelin ka bixiyay hakadka ku yimid, wuxuuna kula taliyay rakaabka in ay la xidhiidhaan shirkadahooda si ay macluumaad dheeri ah u helaan.

Heathrow waa xudunta duulimaadka ee ugu weyn UK, iyada oo maamusha ku dhawaad ​​1,300 soo degid iyo duullimaad ah maalin kasta. 83.9 milyan oo rakaab ah ayaa soo maray garoonkan sannadkii hore, marka la fiiriyo xogtii ugu dambaysay.

Arrintan ayaa saamayn ku yeelan doonto 1,351 duullimaad oo taga kana soo baxa garoonka Heathrow, sida uu sheegay website-ka dabagalka duulimaadka ee Flightradar24.

Dabka ka kacay aag u dhow garoonka oo aan ilaa hadda sababta dhalisay la aqoon, ayaa sababay koeonto la’aan haleeshay kumannaan guri, iyada oo 150 halkaas laga daadgureeyay.