Home Wararka Wadahadallada xabbad-joojinta Gaza ee Israโil iyo Xamas
CAIRO

Afhayeen u hadlay xafiiska raโiisul wasaaraha Israโil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay, in wafdi sare oo dhanka ammaanka ah oo ka socda Israโil ay Axaddii shalay gaareen magaalada Doxa, si ay uga qeybgalaan wadahadallada halkaasi ka socda ee la xiriira xabbad-joojinta Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Israโil.
Wararka kasoo baxaya madasha wadahadallada ayaa muujinaya in ay muuqdaan caalamo muujinaya suurtagalnimada natiijo wax ku ool ah oo kasoo baxdo wadahadalladan.
Wadahadallada oo Doxa dib uga bilowday todobaadki hore ayaa waxaa dhex dhexaadinaya Mareykanka, Masar iyo Qatar, waxana ilo wareedyadu ay sheegayaan, in ay u badan tahay in dhinacyadu ay gaaraan heshiis ka hor inta uusan xafiiska ku soo laaban madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, 20-ka bishaan January.
Dhex dhexaadiyaasha ayaa rajo ka qaba in si deg deg ah loo gaaro heshiis xabbad joojin ah, in gargaar baniโaadannimo la geeyo Gaza iyo in lasii daayo ilaa 98 Israโiiliyiin ah oo lagu hayo Gaza.
Dagaalka Israโil iyo Xamaas ee Gaza ayaa socda muddo 15 bilood ah. Wuxuu billowday 7-badi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay koofurta Israโil halkaas oo ay ku dishay 1,2000 oo Israโiiliyiin ah isla markaana soo afduubtay boqollaal kale.
Israโil ayaa iyaduna weerar ku billowday Gaza, weerarkaas ayna saraakiisha caafimaadka sheegeen in lagu dilay ku dhawaad 50,000 00 Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur.