Maamul goboleedkii labaad oo xidhiidhka ujartay mamulka xamar

0

Jubbaland oo sheegtay in xiriirkii wadashaqayn u jirtay dowladda federaalka Soomaaliya

 

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arimaga gudaha ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa lagu sheegay in Jubbaland ay xiriirkii wadashaqayneed u jartay dowladda fedraalka ee Soomaaliya.

Arimo ay ka mid yihiin khilaafka doorashooyinka iyo la dagaalanka al Shabaab ayay Jubbaland ku tilmaantay in ay yihiin sababaha ay xiriirka ugu jartay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa horay u sheegay in uusan aqbalin go’aamadii dhawaan ka soo baxay kulankii golaha wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ee ahaa in la qabto doorashooyin qof iyo cod ah, iyada oo dib loo dhigayo xilliga doorashooyinka dowlad goboleedyada dalka.