Mareykanka oo digniin qoraal ah oo adag u diray Israa’iil

0

Madaxa hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in Qaza ay hadda tahay “nooc dhul saxar ah oo aan lagu noolaan karin”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ka badan boqolkiiba toddobaatan kaabayaashii la burburiyay.

Dhanka kale waxa uu xusay in in ka badan saddex boqol oo shaqaale samafal ah la dilay, lix boqol oo kun oo carruur ahna ay awoodi waayeen in ay aadaan iskuul.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in gargaarkii ugu horreeyay ee laba toddobaad gudahood uu galay waqooyiga Qaza ka dib markii Israa’iil ay heshay digniin adag oo ka timid Maraykanka taas oo ku saabsan xaaladda bini’aadantinimo.

Digniinta loo diray Israa’iil ayaa ku saabsan arrimaha gargaarka ee Qaza.

Warqadda loo diray Israa’iil ayaa lagu sheegay in dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada Mareykanka la dhimi karo haddii aan dhibaatooyinkaas wax looga qaban soddon maalmood gudahood.

Bishii hore ee Sebtembar ayaa ahayd tii ugu hooseysay ee gargaar la gaarsiiyo Qaza.

Ku dhawaad ​​soddon baabuur oo siday bur iyo shidaal ayaa Axaddii soo galay isgoyska weyn ee waqooyi.