Gelinkii dhanbe ee shalay oo ku beegnayd 1 octoober 2024-ka, kooxaha ilaalada xeebaha Jabuuti oo kaashanaya ciidamada badda qaranka, ayaa si buuxda loo abaabulay si ay u sameeyaan hawl-gal ballaaran oo baadi-goob iyo samatabixin ah oo ay ka sameeyeen badda ka dib dhacdo naxdin leh oo la xiriirta dooni sidday tahriibayaal sharci-darro ah oo ku qarqantay meel 150 mitir u jirta xeebta Asa-fod, oo u dhow Khor Angar.
Doonyaha ayaa ka soo sharaacday dalka Yemen iyagoo ay saaran yihiin 310 qof ka hor inta aysan Talaadadii ku degin badda cas ee ku taal bariga Afrika, sida ay sheegtay hayโadda socdaalka adduunka ee IOM.
Dhacdadan oo galaaftay nolosha 44 qof, sido kale waxa la soo badbaadiyay 115 qof oo ka badbaaday shilkaasi.
Ilaa hadda, 61 qof ayaa wali la la’yahay, waxaana howlgallada baaritaannada lagu samata bixinaayo ay ka socdan goobta shilka ka dhacay.
Sida ay BBC-da u sheegeen ilaalada xeebaha Jabuuti dadka doonta saarnaa dhamaan waxa ay ahaayeen Itoobiyaan.
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Jabuuti, oo ay taageerayaan Ciidanka Badda Qaranka, ayaa si dhow ula shaqaynaya Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyo sidoo kale maamullada maxalliga ah si ay u kordhiyaan dadaallada samatabbixinta iyo dammaanad qaadka jawaab-celinta isku dhafan ee musiibadan badda.
Hawlgallada ayaa weli socda, waxaana naga go’an inaan helno dadka maqan iyo inaan hubinno badqaka kuwa badbaaday,โ ayay yirahdeen hawlgalka samatabixinta ee isku dhafka ah.
Bishii Abriil, ugu yaraan 38 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa dhintay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha Jabuuti, xilli ay maraysay isla waddadan badda cas.
Bishii Juun, ugu yaraan 56 tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa dhintay, 140 kalena waa la waayay kaddib markii doon ka timid Soomaaliya ay ku dagtay gacanka Cadmeed, ee xeebaha koonfureed ee Yemen. Dadka dhintay waxaa ka mid ah 31 haween ah iyo lix carruur ah.
Tobanaan kun oo qof oo doonaya mustaqbal wanaagsan ayaa ka dhoofa Afrika oo sannad kasta ka gudba badda cas si ay u gaaraan Sucuudiga iyo waddamada kale ee Khaliijka, sida ay hayโadaha baniโaadamnimadu ku tilmaameen mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan uguna khatarta badan dunida.
Tirada muhaajiriinta gaaray Yemen ee ka imanayay Geeska Afrika ayaa kor u kacday ilaa 73,000 sannadkii 2022, waxaanay gaaray in ka badan 97,200 sannadkii hore, sida ay sheegtay IOM.
Waddadan tahriibka oo loo yaqaan โJidka Bariโ, ayaa waxaa doomaha buux-dhaafiya dadka qaxootiga iyo muhaajiriinta marka ay ka soo ambabaxayaan Geeska Afrika una sii jeedaan Yemen. Halkaa waxa ay u safraan wadamada khaliijka iyaga oo shaqo raadis ah. Kuwa ka soo laabanaya Khaliijkana waxay isticmaalaan isla waddadan.
Marka laga soo tago tahriibayaasha shaqa doonka waxaa kale oo jira muhaajiriin badan oo kale oo waddadan badda cas mara kuwaas oo baxsanaya colaadaha, rabshadaha siyaasadeed iyo isbeddelka cimilada ee dalkooda.
Waxay la kulmaan khataro caafimaad, dhibaatooyin iyo dhiig-miirasho ay u geystaan dadka wax tahriibiya, ayay tiri hayโadda socdaaka adduunka ee IOM.
Sida laga soo xigtay diiwaanka IOM ayaa muujinaya in ku dhawaad 400,000 oo qof la diiwaan galiyay iyaga oo ka gudbaya Jidka Bari sanadkii 2023, , iyadoo ku dhawaad 700 ay dhinteen ama la waayay sanadkaas.
Hayโadda Socdaalka ayaa intaas ku dartay in ku dhawaad 1,000 qof ay ku dhinteen ama lagu waayay wadada badda cad tan iyo 2014.