Waa sidee xaalka magaalooyinkii Trump sheegay in ‘eyda laga cuno’ uuna ka bilaabi doono masaafurinta ugu badan?

0

Donald Trump ayaa sheegay in uu si weyn u tarxiili doono dadka soo galootiga ah ee ku sugan magaalo yar oo Ohio ku taalla oo ay ruxeen sheegashooyin aan sal iyo raad toona lahayn oo ah, taas oo ah in dadka ku soo qulqulaya ee badanaa reer Haiti ah ay cunaan xayawaannada rabaayada ah ee dabjoogta ah, sida eyda iyo bissadaha.

“Waxaan ka bilaabi doonnaa Springfield,” Trump ayaa yidhi Jimcihii, isaga oo intaa ku daray in magaalada ay “burbureen” dadka soo galootiga ahi.

Waxa uu sida oo kale xusay magaalo labaad oo ku taal Colorado, taas oo falanqeeyayaasha garabka midig ay si been abuur ah u sheegeen in ay ku jirto gacanta koox budhcad ah oo reer Venezuela ah.

Saraakiisha Springfield waxay sheegeen in sheegashada been-abuurka ah ee cunista xawayaanka ay naxdin ku keentay bulshadooda, ayna keentay hanjabaado rabshado wata oo sababay in loo xidhay iskuuladii halkaa ku yaallay.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Jimcihii codsaday in xaaladda la dejiyo, isaga oo dhaleeceynta dadka reer Haiti ee Springfield ku tilmaamay “mid qaldan”.

“Tani waa in ay joogsanto, waxa uu samaynayana iyo eedaymahaas, waa in la joojiyaa,” Mr Biden ayaa sidaa kaga jawaabay hadallada Trump.

Ballanqaadka musharraxa Jamhuuriga ayaa yimid ka dib ku dhawaad toddobaad ay socotay sheegasho been ah oo ku saabsan in dadka muhaajiriinta ee meelahaas ku sugani ay u daran yihiin xayawaannada rabaayada ah iyo carruurta ku nool magaaladan Springfield.

Sheegashada cunista xoolaha, oo Trump uu ku celceliyay dooddii uu la yeeshay Kamala Harris Talaadadii, waxaa beeniyay taliyaha booliiska Springfield iyo duqa magaalada, iyo sidoo kale badhasaabka Ohio, Mike DeWine.

Jimcihii, saddex dugsi oo ku yaal Springfield ayaa ardaydii laga daadgureeyey kaddib markii ay soo dhaceen hanjabaado ku saabsan in dugsiga lagu xidhay bam.

Ugu yaraan mid ka mid ah hanjabaadahaas ayaa sida oo kale taabanaysay faallayn meel-ka-dhac ah oo ku saabsan dadka Haiti ka soo jeeda, sida uu sheegay duqa Springfield, Bob Rue.

Sida oo kale xarunta dowladda hoose iyo dhismayaal kale oo dhowr ah, ayaa iyana dadka laga daadgureeyey Khamiistii sababo la xidhiidhaa hanjabaadaha isdabajoogga ee khatarta tilmaamaya.

Trump ayaa la weydiiyay inuu ka fiirsanayo inuu booqdo magaaladaas, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay koorsadiisaa Golf-ka ee Los Angeles Jimcihii.

“Waxaan ka dhihi karaa arrintan, waxaan sameyn doonaa masaafurin weyn oo ka dhacda Springfield, Ohio. Waxaan dooneynaa inaan dadkaas ka saarno dalkeenna. Waxaanan ku celineynaa Venezuela,” ayuu yidhi.

Dadka soo galootiga ah ee ku sugan Springfield waxay inta badan ka yimaaddeen Haiti, waxayna haystaan ogolaansho sharci ah oo ay ku joogaan Maraykanka iyada oo la raacayo barnaamijka federaalka ee Haiti.

Ilaa hadda ma cadda sababta uu Trump u xusay waddanka Venezuela.

In kasta oo inta uu hadalladiisa socday uu tixraacayo qulqulka muhaajiriinta reer Venezuela ee ku qulqulaya Aurora, Colorado, wuxuuna sheegay in masaafurinta ay sidoo kale halkaas ka bilaaban doonto haddii uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada ee November.

Jimcihii, Badhasaabka Ohio Jon Husted ayaa soo galiyay sawir bartiisa baraha bulshada, waa sawir laba shimbirood oo nooca kanadiyaanka ah ee loo yaqaan Gooze, waxaana uu ku kor qoray farriin sidan ahayd: “Inta badan dadka Mareykanka ahi waxay isku raacsan yihiin in muhaajiriintan oo kale la tarxiilo,”