Tikitka ugu horeeya ee aad heli kartaan goosta’ baqdinta laga qabo Iran

0

Safaaradda Maraykanka eek u taalla Beirut ayaa ku wargalisay dhamaan muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan Lubanaan in ay goosteen “tigit kasta ee ay heli karaan”, xilli xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ay cirka isku shareereyso.

Digniintaan ayaa sidoo kale waxaa loo diray muwaadiniinta Ingiriiska, waxaana wasiirka arimaha dibadda ee Ingriisku sheegay “in xaalku dhaqsi isu badali karo”.

Iran ayaa waxay wacad ku martay in ay si xun uga aargudan doonto Israa’iil, iyada oo ku eedeysay in ay masuul ka ahayd weerarkii ka dhacay Tehran ee lagu qaarijiyay hugaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya magaalinkii arbacada. Shirqqolka dilka Haniya ayaa dhacay saacado uun ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in ay Beirut ku dishay taliye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullah oo lagu magcaabo Fuad Shukr.

Cabsida ugu wayn ayaa waxaa laga qabaa in ururka Xisbullah ee fadhigiisu yahay Lubnaan in uu fuliyo aargudashada, taas oo horseedi karta in Israa’iil ay jawaabadag bixiso.

Xisbullah ayaa waxaa la sheegay in ay madaafiic ku garaacday magaalada Beit Hillel eek u taalla wuqooyiga Israa’iil maanta oo Axad ah.

Labo maraakiibta dagaalka Ingiriiska ah ayaa haatan ku sugan gobolka, waxaana heegan la galiyay qaar ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada cirka Ingriiska.

Dhanka kale, gudaha Gaza, ugu yaraan 17 qof oo barakacayaal ah oo gabaad ka dhiganayey goob Iskuul ah ayaa waxaa dilay duqayn dhinaca cirka ahoo ay Israa’iil geysatay, maamulka Xamaas ayaa sidaas sheegay.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in dugsiga Hamama oo ku yaalla xaafadda Sheikh Radwan ee magaalada Qasa loo adeegsan jiray xarun laga hago kooxaha hubeysan. Xamaas ayaa beenisay in ay ku shaqeysato xarumo rayid ah.

Wasiiro ka tirsan dawladda Israa’iil ayaa maalmaha dambe ee todobaadka loo ogolaaday in ay guryahooda aadaan, iyaga wata taleefannada ku shaqeeya si ay u adeegsadaan hadii la weeraro nidaamka isgaarsiinta ee Israa’iil.

Bishii Abriil, Iran ayaa weerar cirka ah ku qaadday Israa’iil iyadoo adeegsatay 170 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, 30 gantaallo ah iyo ugu yaraan 110 gantaal oo balaastik ah.

Taasi waxay aargoosi u ahayd duqeyntii Israa’iil ay ku qaadday qunsuliyadda Iiraan ee magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya.

Dad badan ayaa ka baqaya in aargoosiga Iran ee dilkii Ismaaciil Haniya uu la mid noqdo kii hore.