Dawladda Maraykanka ayaa waxay maraakiib iyo diyaarado dagaal oo dheeraad ah u daabuleysa Bariga Dhexe si ay uga difaacdo Israaโiil weeraro uga imaan kara dhanka Iran iyo kooxaha ay taageerto ee ka hawlgala gobolka, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka.
Gobalka ayaa waxaa ka jira xaalad kacsanaan ah kadib markii gudaha Iran lagu khaarijiyay hugaamiyihii Xamaas ee dhinac siyaasadda Ismaaciil Haniya, dalka Lubnaanna lagu dilay taliye sare oo ka tirsan ciidamada ururka Xisbullah.
Nidaamka difaaca gantaalaha ayaa la diyaariyay si loo daabulo, sidaas waxaa sheegay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka, iyaga oo intaas raaciyay in ka goโnaashahooda difaaca Israaโiil in uu yahay geed ka goโan.
Hugaamiyaha sare ee Iran Aaayatullah Khamenei ayaa waxa waxa uu wacad ku maray in uu โciqaab adag marin doonoโ Israaโiil, oo u ka goyndoono shirqoolkii ay ku dileen Haniya.
Hugaamiyaha Xamaas ayaa waxaa Arbacadii lagu dilay Tehran. Iran iyo kooxaha ay taageerto ayaa waxay ku eedeeyeen dilkiisa Israaโiil, inkasta oo Israaโiil aysan wali ka hadlin.
Haniya oo ahaa 62 jir, ayaa waxaa loo aqoonsanaa in uu yahay hugaamiyaha guud ee Xamaas, isaga oo kaalin muhiim ah ka qaatay wadahadalo ujeedkoodu ahaa in xabad joojin ka dhalato Gaza.
Dhimashada Haniya ayaa la maqlay saacado uun ka dib markii Israaโiil ay sheegatay in ay dishay Fuad Shukr oo ahaa taliye sare oo milatari oo ka tirsan ciidamada ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa waxay sheegtay in agabkaan ciidan ee la daabulayo โuu sare u qaadi doono awoodda ciidamada Maraykanka ee wax ilaalinayaโฆayna kordhineysa taageerada difaaca ee Israaโiil la siinayo, โฆ iyo sidoo kale in Maraykanku uu u diyaargaroobo in uu ka jawaabi karo baahiyo kala duwan oo degdeg ah markiibaโ.
Agabka la daabulayo ayaa waxaa ka mid noqon doona hubka ka hortagga sidoo kalana burburiyo gantaalaha balaastikada ah ayaa lagu yiri warka.
Maraykanka ayaa horay waxa uu u siyaadiyay hubka uu daabulayo ka hor 13 kii April, markii ay Iran weerar xooggan oo ay u adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalo ay ku qaaday Israaโiil. Israaโiil ayaa waxay sheegtay xilligaas in ay dhulka soo dhigtay ku dhawaad dhamaan 300 oo diyaarado aan duuliye lahayn iyo ganaatlo ah oo ay soo tuurtay Iran.
Israaโiil si toos ah ugama aysan hadlin gantaal dilay Haniya, balse raโiisul wasaaraheeda Benjamin Netanyahu ayaa waxa uu sheegay in dalkiisu uu โburburiyayโ cadawgooda maalmihii u dambeeyay, uuna ka mid yahay dadka ay dileen Shukr.
Wuxuu u sheeagay dadka Israaโiiliyiinta ah โMaalmo adag ayaa nagu soo wajahanโฆWaxaan maqlaynaa hanjabaado dhinacyo badan naga soo gaaraya. Waanan u diyaarsan nahay wax walba oo yimaadaโ.
Goor sii horaysay ayaa afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga ee Marayka, Sabrina Singh waxay sheegatay, in Maraykanku aaminsan yahay, in si xumeynta xaaladdu aysan ahayn wax laga baaqsan waayay.
โWaxay ila tahay in mar walba fariinteenu tahay mid cad, oo aynaan dooneyn inaan aragno xaaladda oo sii xumaaneysa, waxaan aaminsanahay in halkaani xal jiro, kaas oo ah heshiiska xabad joojinta,โ ayay tir Singh.
Waxaa la filayaa in wafdi Israaโiil ka socda uu gaari doona Masar maalmaha soo socda, kuwaas oo halkaas u tagi doono wadahadalo la xiriira xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo siidaynta maxaabiista, sidaas waxaa sheegay Jimcihii Netenyahu.