Ankara โย
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Talaadadii sheegay in Raโiisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo madaxda kale ee Israa’iil oo keliya ay masuul ka yihiin xiisadaha ka soo cusboonaaday Bariga Dhexe.
Waxa uu sheegay mar uu shir jaraaโid ku qabtay magaalada Ankara kadib shir ay yeesheen golaha wasiirada, โIsraaโiil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaad gobolka, weerarkeeda safaaradda Iran ee Dimishiqna waxa uu ahaa dhacadaii ugu dambeysaโ ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray in isku dhacyo cusub oo gobolka ay suurtagal tahay ilaa iyo inta “arxandarrada iyo xasuuqa” ay ka socdaan Gaza, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ku dhaqmaan si caqli-gal ah.
Waxa uu sidoo kale ku dhaliilay reer galbeedka inay cambaareynayaan weerarka Iran oo aysan cambaareyn weerarkii Israaโiil ay ku qaaday safaaradda Iran.
Reuters