Gudoomiyaha Dalada guud ee Ururada aan dawliga hayn ee SONSAF Anwar Warsame.

0

Qalinkii  Gudoomiyaha Dalada guud ee Ururada aan dawliga hayn ee SONSAF Anwar Warsame.

“Waxa aan bogaadinayaa in hoos u dhac macno leh ku yimi qiimaha isku-beddelka Doolarka iyo Shilling Somaliland.
Waxa aan hambalyaynayaa dedaalkii uu arrintan ku bixiyay Bangiga dhexe.
Waxase aan ka xumahay in qiimaha maciishadda iyo alaabooyinka kaleba aanay la jaanqaadin hoos u dhaca ku yimi qiimaha Doolarka.
Waxa caado noqotay in badi alaabooyinka iyo adeegyada qiimahooda kor loo qaado iyada oo loo nisbaynayo kor u kaca qiimaha Doolarku aanay hoos u soo noqon marka qiimaha doolarku hoos usoo dhaco.
Waxa muuqata in ganacsato fara-badan ay yihiin kuwo ku foogan uun sidii ay macaash badan u samayn lahaayeen.

Waxa aan ugu baaqayaa ganacsatada in ay muujiyaan masuuliyad iyo tudhaale.