Tobannaan muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirto oo ku xaniban xadka Filand la wadaagto Ruushka

0

Ruushka ayaa ku soo fasaxay tobannaan muhaajiriin ah xadka uu la wadaago dalka Filand.

Filand ayaa arintan u aragta in Ruushu kaga aar gudanayo heshiiska dhinaca difaaca ee ay la gashay Maraykanka.

Tobannaan qof ayaa sugaya in ay la furo xuduudda si ay magangalyo u waydiistaan Filand laakiin Filand way xirtay xuduudda.

Eedeynta ka timid Filand waxa iska fogeeyay Aqalka Kirimiliinka ee looga arimiyo Ruushka.

In kastoo xuduudda la xiray haddana tobannaan muhaajiriin ah ayaa habeenimadii Sabtida yimid halkaas si ay uga gudbaan.

Filand ayaa xuduud dhirirkeedu yahay 1,340 oo km la wadaagta Ruushka.

Illaa 300 oo muhaajiriin ah oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya, Ciraaq, Yeman iyo Suuriya ayaa todobaadkan gaaray Filand sida ay sheegtay waaxda ilaallada xuduuddaha.