Ninkan dadka ayuu uga digi jirey fatahada lkn isagii ayaa biyuhu qaadeen

0

Baadigoobka meydka Sheekh Cabdulaahi ayaa socda maalinkii labaad, iyada oo aan weli la helin raadkiisa. Maxamed ayaa sheegay in 24 saac oo kasoo wareegatay markii ay biyuhu qaadeen aan lahyeen meydkiisa, ayna sameeyeen dadaal badan wallow aysan ku guuleeysan in ay helan meydka.

“Shalay laba saac ayay biyuhu qaadeen ilaa hada oo aan kula hadlayo ma hayno meydkiisa, dadaal badan ayaan sameeynay, meel kasta waa galanay,” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed Cusmaan waxaa uu tilmaamay baadi goobka meydka ay ka wajahayaan khataro kale, oo ay ka mid yihiin biyaha oo dadka qaaday iyo yaxaas dadka cunaya oo daadadka la socoda.

Roobab maahigaan ah oo ka da’ayay goballada dalka todobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 29 qof, halka kumanaan kalena ay weli ku xayiran yihiin guryadooda iyo xaafadahooda ama ay ku barakaceen sida laga soo xigtay dawladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka.

Fatahaaddan ayaa billowday bishii hore kaddib markii ay sare u kaceen heerka biyaha ee webiyada Jubba iyo Shabeelle, taasoo sababtay inay buuxdhaafaan.

Dowlad goballeeyada Kooonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Jubaland ayaa ka mid ah meel uu roobka sida weyn u saameeyay .