Fadeexad Lunsi Cashuur Dawladeed oo Dul Hoganaysa Masuuliyiinta Kastamka Berbera’

0

Fadeexad Lunsi Cashuur Dawladeed oo Dul Hoganaysa Masuuliyiinta Kastamla Berbera’

Badeecad Cashuurta Dawlada Lagala Baxsaday oo Qiimeheedu Tahay 233 Milyan Sl Shilin Ah oo Shalay Dekeda Berbera Ka Baxday ayaa Lagu Qabtay Kaantaroolka Bari ee Hargeysa ee Haleeya,

Badeecadan Ayaa Aheyd Qalabka Electronis-ka ee Cashuurtoodu Sareyso sida Mobilo Iyo Reciverada Tv-yada iyo qalabkoo ku shaqeeya Tamarta Laydhka waxaana lahaa Badeecadan Ganacsade Reer Hargeysa ah oo caan ku ah keenista badeecadaha Noocana horena loogu qabtay Badeecado uu cashuurta kala baxsanaayay.

Badeecadan oo Laga Warhayay in Cashuurta lagala soo baxsaday ayaa Waxa Kaantaroolka Hargeysa ee Haleeya loo dhigay Askar kasocotay Laanta Ilaalinta Cashuuraha ee Turubo Taariyada Booliska ,Shaqaale Kasocday Xafiiska Hanti dhawrka Wasaarada Maaliyada iyo Hantidhawrka Qaranka Waxa Gaadhigii Badeecada siday Lagu Xereeyay xarunta Kastama Caasimada Hargeysa uu ilaa hada Yaalaa isagoo raran.

Badeecada gaadhigani siday oo cashuurteeda guud ahayd 310 Milyan oo SL Shilin ah ayaa waxa laga Cashuuray oo kaliya juwana loo jaray 77 Milyan halka lacagta la lunsanaayayna dhamayd 233 Milyan oo kamida cashuurta dawlada xiligan lagu jiro hoos udhaca dhaqaalaha Dalka.

Masuuliyiinta Kastamka Berbera oo ah  labo qeybood oo isjeeken gareeya ayaa  dhacadadani waxay  umuuqataa inaanay dhan uga baxsan karin masuuliyadeed Waxaana iska cad in hadii ay mid soo dhaaftay uu kale qaban lahaa.

Kastamka Berbera ayaa noqday furdad ay ka hodmaan masuuliyiinta hadba maamulka loo soo Magacaabaa,dabcana mudooyinka dambena waxaad moodaa Kastamka berbera inuu noqday wado halaq mareena oo dakhligii dalka usoo xeroon Lahaa lagu lunsado.

maamulka  Kastama Berbera oo  oo ah labo maamul oo is jeegaraya ayaa xilka la  Wareegay 22 July 2023 waxaanay Hada mamulka hayaan 3 bilood oo maalmo dhimany ihiin Iyadoo Kuwii ka horeeyayna Lagu Bedelay Badeecad Cashuurta Lagala Baxsanaayay oo dhamayd 700 Milyan oo ahayd qalabka Isgaadhsiinta oo Lagu qabtay Gudaha Dekeda Berbera Halka Badecadan Hada Lagu Qabtay Kaantaroolka Haleeya ee bariga Hargeysa.