Madaxweyne Xasan Shekeh oo maanta safar ugu kicitimay Eritrea

0

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhoofay magaalada Dhuusamareeb oo bilihii lasoo dhaafay saldhig u ahayd, halkaasi oo uu ka waday abaabulka dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Eritrea ayaa ciidamo kumannaan ah u tababarta Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood dalkaasi la geeyey wixii ka dambgeeyey bishii Diisambar ee sannadkii aynu soo dhaafnay

Dhinaca kalena, hawlgal xoog leh ayaa ka socda degaannada waqooyi ka xiga degmada Mahaday halkaasi oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaadka al-Shabaab.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa la sheegay inay ka rajo qabaan inay hawlgalka ay al-Shabaab kaga saarayaan bariga webiga Shabeelle oo ay soo gabagabeeyaan saacadaha soo socda.