Dagalka Xoogaga falastiin iyo Yuhuuda aya wali socda maalintii labad, duqaynta cirka mooyaane dhulka wa laysmari wayay

0

 

Gaza —

Ciidamada Israel ayaa sheegay Axaddii inay weli ka shaqeynayaan sidii ay dagaalyahanada Xamas uga saari lahaayeen meelaha ay kaga harsan yihiin Israel, maalin kadib markii kooxda ay weerar lama filaan ah ku qaaday.

Ciidamada Difaaca Israel (IDF) ayaa ku warramay in dagaalka uu ka socdo goobo dhowr ah oo ku yaalla koonfurta u dhow Marinka Gaza, halkaasi oo Xamas ay Sabtidii ka billowday weerarka. Goobaha waxaa ku jira magaalada Sderot.

Gaashaanle Dhexe Jonathan Conricus, oo ah afhayeenka IDF, ayaa CNN u sheegay in laga yaabo in ilaa 1,000 dagaalyahan oo Xamas ah ay galeen Israel Sabtidii.

Israel ayaa duqeymo aargudasho oo dheeri ah ku qaaday Marinak Gaza Axaddii. IDF waxay sheegeen in xarumaha sirdoonka Xamas, warshad soo saarta hubka iyo laba banki ay ka mid ahaayeen bartilmaameedyada ay garaaceen.

Xamas ayaa sidoo kale xalay sii wadday weerarkeeda, ayada oo gantaallo ku ridday dhowr magaalo oo ay ku jirto magaalada Tel Aviv.

Ugu yaraan 250 oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarada Xamas iyo dagaalyahanada Israel uga soo gudbay dhanka dhulka, badda iyo cirka.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ee Gaza ayaa sheegtay in 256 qof ay ku dhinteen weerarada, oo ay ku jiraan 20 caruur, halka 121 caruur ah ay ka mid yihiin 1,788 oo dhaawac ah.

Dhinaca kale, ciidamada Israel ayaa Axaddii ay rasaas is-weydaarsadeen dagaalyahanada Xizbullah ee xuduudda Lubnaan, taasi oo fureysa suurta-galnimada dagaal ka qarxa xuduudda.

Lubnaan iyo Israel ayaa loo arkaa dalal cadow isku ah, hase yeeshee heshiis xabad-joojin oo la gaaray 2006 ayaa weli taagan, marka laga raabo gantaalo mararka qaar ay is-dhaafsadaan.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in weerarka Israel uu u socon doono “si xaddidaad iyo nasasho la’aan ah.”

Inta badan Gaza ayaa gashay mugdi tan iyo markii weerarada ay billowdeen. Israel ayaa xayiraad ku haysa Gaza, waxaana Netanyahu uu ku dhowaaqay inay ka jarayaan korontada, shidaalka iyo sahayda cuntada.

Weerarkii isku xirnaa ee Sabtidii ka yimid Xamas ayaa lama filaan ku noqday sirdoonka Israel.

Xamas ayaa 3,000 oo gantaal ku tuurtay Israel 24 saac gudahood.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhowaaqay taaageero “adag oo aan leexleexad laheyn “oo ay siinayaan Israel, wuxuuna u digay “dhinac kasta oo kale oo cadow ku ah Israel oo doonaya inuu ka faa’iidaysto xaaladdan.”