Dagaalka oo weli ka socda saldhigga Zikim oo ah saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa’iil

0

Dagaalka oo weli ka socda saldhigga Zikim oo ah saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa’iil

Gabagabdii hadalkooda, afhayeenka milateriga Israa’iil wuxuu sheegay in dagaalku uu weli ka socdo isgoyska Erez ee xuduudka iyo sidoo kale saldhigga Zikim – oo ah saldhig tababar oo ay leeyihiin ciidamada difaaca Israa’iil.

Golaha wasiirada amniga Israa’iil oo kulmi doona 1-da duhurnimo.

Golaha wasiirada amniga ee Israa’iil ayaa shir ka yeelan doona 1-da duhurnimo ee waqtiga maxaliga ah ee ku saabsan weerarka lama filaanka ah ee Xamaas, xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sidaas yidhi.

Kahor kulanka, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa saraakisha la yeelan doona kulan xaalada lagu qiimaynaya.