Meydadka dad ku dhow 30 muhaajiriin ah oo la sheegay in ay ka soo jeedaan dalka Ethiopia ayaa saakay laga helay xaafad ku taalla duleedka magaalada Lusaka ee caaismadda dalka Zambia.

Meydadkaasi ayaa mas’uuiyiinta jaaliyadda Soomaalida ee Zambiya ay sheegeen inaysan Soomaali ku jirin, iyada oo markii hore wararka horudhaca ah ay sheegeen inay Soomaali ay ku jirto.
Maxamuud Hiiaan oo ah gudoomiyaha jaaliyada soomalida ee Zambia, ayaa VOA usheegay in dadakan ay yihiin Ethiopian mayadadkan ayaa laga helay xaafad kutala magaalada Luzaka inta la layay ayaa meel wado ah lagu tuuay, Nasiib wanaag hal qof ayaa nolol loogu tagay inkastoo uu dhaawacyo halis ah qabo, sida uu sheegay Hiiaan booliiska ayaa noo xaqiijyay ayuu yidhi in aan soomali ku jirin
















