Doon Uraran Ganacsatada Somaliland Oo Caawa Dab Ku Qabsaday Dekeda Cadan Ee Tawaahi Hanti Badan Ayaa Doonta Ku Gubatay Sida Ay Sheegayaan Wararka Aanu Ka Helnay Doontuna Way Dagtay.
Doonta Dabku Qabsaday Ayaa Udiyaar Ahayd Inay Usoo Safarto Dekeda Berbera Isla Caawa Intaan Shilku Ku Dhicin.
Badeecadaha Doonta Ku Raran Ayaa Ubadnaa Bagaash Waxaan Inta Ugu Badan Leh Sida Lay Xaqiijiyay Ganacsade Magaciisu Yahay Rashiid Ibraahim Ciise Oo Kamida Ganacsatada Badeecadaha Inta Badan Kasoo Waarida Dalka Yemen Sidoo Kalena Rashiid Ibraahim Ciise Waa Wakiilka Sigaarka Qamdanka Ee Dalka Yemen Lagu Sameeyo.
Doonta Ayaa Waxa Mulkiyadeeda Leh Ganacsade Somalilander Ah Oo Layidhaa Cali Ducaale Waana Nin Caana Oo Mudo Dheer Ka Shaqaynaayay Bada Hadiyo Jeer Ku Shaqeeya Doonyaha.
Wakiilka Doonta Iyo Badeecadaha Saaran Ee Cadan Garaad Jibriil Faatax Ayaa Wuxu Sheegay In Dabkii Doonta Qabsaday Ku Faafay Sidaasna Doontii Ku Dagtay Khasaare Weynina Ka Dhashay Badeecadihii Doonta Saarnaa Oo Ubadnaa Subaga Badharka Caanaha Daasadaha Iyo Bagash Kaloo Guurangur Ah Kuwaas Uu Leeyahay Ganacsade Rashiid Ibraahim Ciise.
Ganacsade Rashiid Ibrahim Ciise ayaa sheegay Ayaa Sheegay In Hantida Doonta Ugu Rarnayd Ay Dhamayd 711000$ Dollar Badeecaduhuna Ay Kala Ahaayeen 20.000 Kartoon Oo Caanaha Sadaha Ah Iyo 7000 Karton Oo Subaga Badharka Ah.
Geesta Kale Mulkiilaha Doontani Gubatay ee Dagtay Cali Ducaale Maxameda Ayaa Sheegay In Doontani uu dhawaan Dalka Hindiya Kasoo iibsaday Soona Siistay Lacag Dhan $400,000 Kun oo Dolar Mudo 4 Bilood ahna ay Kashaqaynaysay Yemen Iyo Jabuuti Safarkanina Ahaa Keedii Uhoreeyay ee ay Somaliland Ku Timaado, Sababta Dabku Kacay Ayuu Ku Sheegay Cali Ducaale Makiinada Doonta Oo Shoodh Ka Dhashay oo Sababay Gubashada.
Mulkiile Cali Ducaale Maxamed ayaa sheegay inay Doontani Noqonaysi Doontii 5aad ee Ka Gubata ama Bada Kaga Dagta Ilaa 1999 ilaa Maanta oo 2022 Lagu Jiro Waxaanu Lacagta Dabku Kaga Sahaday Shantaa Doonyood Ku Sheegay 1900,000$ Milyan Iyo Sagaal Boqol Oo Kun Oo Dollar.