Maxaa Caqabado qabsaday Appy Axmed mudadii 4 sano ahayd

0

 

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo loo yaqaanno nabad doonka gobolka kuna guuleystay abaalmarinta nabadda ee caalamiga ah wuxuu dagaalm dhiig badanuu ku daatay uu kula jiraa fallaagada TPLF.

Tani iyo marki uu xukunka dalka Itoobiya uu qabtay Abiy Axmed afar sano ayaa u buuxsantay.

Bilihi ugu horreeyey uu xilka Ra’isal wasaranimada qabtay wuxuu nabadeeyey dalkiisa iyo dalka Eritrea oo ay dhex taallay colaad gaamuurtay.

Haddaba afar sano ayaa Abiy Axmed u buuxsantay inti uu majaraha dalka Itoobiya qabtay muddadaasi waxbna waa u qabsoomeen wax badanna wuu ku fashilmay sida ay aaminsan yihiin dadka u dhuun daloola siyaasadda gobolka.

Dowladda Itoobiya dhankeeda waxay sheegeysaa afarta sano uu Abiy Axmed ra’isal wasaaraha ahaa iney wax badan dalka Itoobiya ka qabsoomeen, balse dhinaca kale waxaa jira dad ku doodaya afartaasi sano iney dalka Itoobiya ka dhaceen dhibaatooyin aad u badan uu ugu horreeya dagaalka ka qarxay waqooyiga dalka Itoobiya.

3-da April 2018

Mudaharaadyo ballaaran oo dalka Itoobiya in mudda ah ka socday kaddib afar sana ka hor xilligan oo kale mudaharaadyadaasi waxaa lagu soo afjaray xukunka inuu qabto Ra’isal wasaare Abiy Axmed.

Abiy Axmed marki xilka loo dhaariyey afar sana ka hor khudabaddi uu jeediyey wuxuu ku sheegay “Dadki mudaharaadyada naftooda ku wayey iyo hantidi ku buburtayba iney dalka Itoobiya u horseedayaan mustaqbal ifaya oo caddaalada iyo iscafin ku qotoma.”

Ballanqaadyada uu oofiyey ee Abiy Axmed lagu ammaanayna waxaa ka mid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo dil ku xukunnaa inuu cafis ku sii daayey isaga oo u ballan qaaday masrax siyaasadeed oo tartan siyaasadeed oo hufan lagu meel marin karo inuu diyaarinayo.

Haddaba haddii aan si guud u guud marno waxyaabihi ugu waaweynaa ee dhacay afarta sano uu Abiy Axmed xilka hayey waxaa ka mid ah:

Dilka Hachaaluu iyo Xarigga ka dhashay

Fannaanki caanka ahaa ee ka soo jeeday qowmiyadda Oromada Hachaaluu Hundheesaa waxaa la dilay bishii Luulyo 2020-kii.

Marki la maqlay dilka fannaankaasina dalka Itoobiya gaar ahaanna deegaannka Oromada gees ka gees waxaa ka billowday mudaharaadyo rabshada wata oo ay dad badan ku dhinteen. Dadka mudaharaadaya oo si weyn uga carooday dilka loo geystay fannaan ay si weyn u jeclaayeen una arkayeen inuu qowmiyadaasi astaan u yahay.Rabshadaha dilka Fannaanka ka dhashayna waxaa ku dhintay ugu yaraan 150 qof, halka magaalooyinka

30-ka bisha June 2020 waxay dowladda xabsiga u taxaawday siyaasiyiin iyo shacab lala xiriiriyey iney rabshadaha ay dadka ku dhinteen ay ku lug lahaayeen.

Abiy inta uu xukunka dalka Itoobiya qabtay siyaasiyiinta dilka ku xukunnaa iyaga oo dalka ka maqan uu cafiska u fidiyey waxaa ka mid ahaa Jawar maxamed, Baqale Garbaa, Iskindir Negga, Birhanu Negga iyo kuwa kale.

qaarna dab la qabadsiiyey ama la boobay xafiisyo, bangiyo, huteelo iyo dhismayaal ganacsi.

Afarta sano uu Abiy Axmed hoggaanka u hayey dalka Itoobiya qaab dhismeedka federaalka waxaa ku soo biiray laba dwlad deegaan oo cusub.

Deegaannada cusub oo ku yimid afti shacabka deegaannadaasi rabitaakooda looga qaaday iyaga oo horaan u hoos tagi jiray Deegaanka Shucuubta Koonfureed.

Labada deegaan ee cusubna ay kala yihiin Dowlad Deegaanka Sidaama iyo Dowlad Deegaanka Koonfur Galbeed.