Dagaal culus ayaa ka qarxay deegano badan oo ku yaala gobolka waqooyiga dalka itoobiya ku yaala ee Tigray, waxaana dagaalkaasi uu u dhxeya ciidamada falaagada iyo kuwa dowladda, sida wararku ay sheegayan.
Xoogaga Fallaagada Tigray ee (TDF) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen tiro magaalo ah halkaas oo dad goobjogayal ah ay BBC u sheegen inay arken dagalyahanada oo rondo sameynayo
Milatariga itoobiya ayaa sheegashoyiinkaas meesha ka saray waxayna ku tilmaamen warar been abuur ah.
Dagaalkan ayaa ah kii ugu cuslaa tan iyo bishii Nofeembar, markii dowladda Itoobiya ay k
Kumanaan qof ayaa lagu dilay malaayiin kalena waa lagu barakiciyay dagaalka oo bilowday ku dhawaad sideed bilood ka hor.
Dagaalada ka dib, ilaa shan milyan oo qof oo ku nool Tigray ayaa u baahan gargaar cunno in ka badan 350,000na waxay ku nool yihiin xaalad macluul ah, sida lagu sheegay warbixin dhowaan ay taageertay UN
Warbixinada dagaalka ayaa imanaya iyada oo ay socoto tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii guud ee Isniintii dhacday. Xaalada ammni awgeed, ma jirin wax codbixin ah oo ka dhacday Tigray.
u dhawaaqday inay ku guuleysatay dagaalka

Afhayeenka falaagada Gebre GebreTsadiq ayaa sheegay in TDF ay weeraro magaloyiin faro badan ku bartilmaamedsanayan ay qaaden isbuuci hore. Wuxuu sheegay in dagaalyahanada ay burburiyeen gaadiid dagaal ayna qabteen qaar kamid ah askarta dowladda.
Dad goob joogayaal ah ayaa BBC u sheegay in xoogaga falaagada ay magaalada istiraatiijiga ah ee Adigrat kasoo galeen dhanka xuduuda Eritrea, oo uu jirta 45 km (30 mayl). Haddii la xaqiijiyo, tani waxay noqoneysaa horumarkii ugu weynaa ee fallaagadan ay sameyso tan iyo markii uu dagaalku billowday.
TDagaalyahanada TDF ayaa sidoo kale lagu arkay magaalooyin dhowr ah oo dhaca waqooyiga iyo koonfurta gaar ahaan caasimada gobolka ee Mekelle.
Afhayeenka ciidanka Korneel Getnet ayaa xaqiijiyay inuu dagaal jiro laakiin wuxuu beeniyay in magaalooyin, qalab ciidan ama askar la qabtay.
“Intii ay dawlada Itoobiya ku mashquulsanayd doorashooyinka qaranka iyo arrimaha GERD [biyo xireenka weyn ee itoobiya dhisanayso], argagixisada TPLF [oo qayb muhiim ah oo ka tirsan TDF], kuwaas oo ay weheliyaan dhalinyaro ay dhawaan qorteen, waxay si firfircoon uga qayb qaateen howlo argagixiso,” ayuu yiri .
Wuxuu intaas ku daray inay socdaan howgallo lagu soo qabqabanayo hoggaamiyeyaasha fallaagada.
.