Dibadbaxyo xooggan oo ka socda Tuunisiya

0

Ciidamada ammaanka ayaa ku kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo madfaca biyaha.

Booliska Tunisia ayaa sheegay inay xireen in ka badan 600 oo qof iyadoo habeenkii afaraad ay socdaan dibedbaxyo rabshado wata, isla markaana dadka mudaaharaadaya ay dib ugu soo laabanayaan waddooyinka mar walba oo ay boolisku kala diraan.

Isniintii shalay ahayd, dadweyne mudaharaadayay oo badankood dhalinyaro ah ayaa mar kale isugu soo baxay bartamaha caasimadda, Tunis, iyagoo dhagxaan iyo bambooyin shidaal ka sameysan ku tuuraya booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa ku kala eryay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo madfaca biyaha.

Tuniisiya waxaa soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale oo aad u daran, saddex meelood meelna dhallinyaradeeda ayaa shaqo la’aan ah Dhibaatada dhaqaale ayaa kasii dartay iyadoo caalamka uu la daala dhacayay cudurka Safmarka ee Covid-19.

Dibadbaxayaasha Tunisia waxaa u badan dhalinyaro

Toban sano kaddib kacdoonkii lagu riday Zine Abedine Ben Ali, taasoo ku faaftay waddamada Carabta, Tunisa waa waddanka kaliya ee ku guulaystay isbeddel dimuqraaddi ah. Si kastaba, rajadii laga qabay in isbeddelladan ay keeni doonaan shaqooyin iyo fursado badan ayaa lagu hungoobay.

Isku dhacyo ayaa laga soo sheegay Isniintii magaalooyinka ka baxsan cassimadda Tunis, sida, Kasserine, Gafsa, Sousse iyo Monastir.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegay in dadka la xiray badankood tan iyo markii mudaaharaadyada hadda socda ee bilowday Jimcihii, ay ahaayeen carruur aan qaan gaarin oo loo xiray falal la xiriira burburin hanti iyo dhac.

Khaled Hayouni wuxuu sidoo kale sheegay in laba boolis ah lagu dhaawacay dibedbaxyada.

Kamid ah xaafadaha dibedbaxyadu ay saameyeen

Iska hor imaadyadan ayaa inta badan ka dhacay goobaha dadku ku badan yahay ee aan mudnaanta la siin halkaasoo xiriirka dhalinyarada iyo booliska uusan taariikh ahaan wanaagsanayn, sida ay ku soo warrantay weriyaha BBC ee Tunis Rana Jawad.

Horraantii Isniintii, dadka mudaharadayay ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee xafiisyada dowladda ee waddada Tunis ee Bourguiba, iyagoo ku baaqaya in la sii daayo dadkii la qabtay maalmihii la soo dhaafay. Waxay ku dhawaaqayeen “cabsi la’aan, cabsi la’aan, waddooyinka shacabka ayaa iska leh”.

Toban sano kaddib kacaankii xilka looga tuuray kaligii taliyihii Zine al-Abedine Ben Ali, dad badan oo reer Tunisia ah ayaa ka careysan shaqo la’aanta baahsan iyo adeegyada bulshada ee dalkaasi oo aad u liita.

Dhaqaalaha ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 9% ,sanadkii 2020, iyadoo qiimaha nooloshuna ay aad sare ugu kacday.