–Wasiir Axmed Shide Oo Noqday Wasiirka Maaliyadda Ee Afrika Ugu Wanaagsan Majaladda African Leadership Magazine ayaa Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide u aqoonsan tahay inay siiso Billadda Wasiirka Maaliyadda ee Afrika ugu wanaagsan sannadkii 2020.
War-murtiyeed ay Majaladdu Shalay soo saartay waxay ku soo bandhigtay Madax iyo Masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Madaxda Hay’adaha Maaliyadda ee Afrika ee ay u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan sannadkan 2020.
Majaladda ayaa laba Wasiir-Maaliyadeed oo ka soo jeeda Afrika u aqoonsantay kuwii ugu wanaagsan Sannadkan.
Wasiir Axmed Shide ayaa noqday wasiirka keliya ee ka soo jeeda bariga Afrika ee ay majaladdu u aqoonsatay Wasiirka maaliyadda ugu wanaagsan Afrika sannadkan 2020.
Axmed Shide ayaa ka soo jeeda Gobolka Soomaalida ee Itoobiya.