Kootarabanka ayaa ah tabo ay isticmaalaan ganacsatada qaarkood marka lagu giijiyo illalinta cashuuraha e kastamada ,
Bishan julay 15/2020 ayaa Gaadhi noociisu yahay waraad o sida Hadhuudh waxa lagusoo qariyay Moobilo nooca loo yaqaan Tecno o tiradoodu dhamayd 1050 xabo,
Kaantaroolka Rugta Booliiska e Tuulada HUNDUSA ayaa Qabtay Moobiladan o bilaa cashuur kusoo galay dalka,
Maamulaha Kastamka Berbera Axmed Maxamed habane o warbaahintu wax ka waydiisay Shixnadan Moobilada ah e Booliisku qabtay Ayaa sheegay in ay billaa cashuur ahayeen baadhitaan ka dibna dib loo cashuuray Waxaanu intaa ku daray in ay dalka kazoo galeen dhinaca boosaso , laakiin gadhigan siday waxaa iminka lagasoo saaray magaalada burco,
Dabcana maamule habane Wuxuu intaa ku daray in ay baadhistii ku ogaadeen in moobiladani ay ahaayeen 20 kartoon o intoodii kale burco ay taalo, Tirada guudna waxay noqonayeen 8000 o xabo halka waqti xaadirkan gacanta lagu dhigay 1050 o dib loo cashuuray kuna jiray 7 kartoon iyadoo ganax na loo raaciyay ninkii lahaa,
Maamule Axmed Maxamed habane wuxuu intaa ku sii daray in ay si adag ulla dagaalamaan shixnadaha cashuurta lagala dhuunto hay,adaha sharciga u leh,
Hadaba warbaahinta o si hoose u heshay Entry gii dib loogu cashuuray Moobiladan Bila Cashuurta dalka kusoo galay aya waxaa ka muuqda qalad xisaabeed, waxaad eegtaa xisaabta la garaacay iyo maxsuulka faraqa u dhexeeya,