Deg Deg War,
Xoolo Gaadhay 500 LO,ah Kuna xaniban Dekada Berbera 15 saacadood e ugu danbeeyay,
Dekada Berbera waxaa Ku xaniban Xoolo Loo rari Laha wadanka Cumaan o ah isha kaliya e Xoolaha ka Dhoofa Somaliland u Furan,
Ganacsadae Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen { Shitaar } Ayana Khadka Telofanka Noogu Xaqiijiyay in Xoolahan o Galay Dekada Shalay 5 galabnimo ay wali ku xaniban yihiin dekada dhexdeeda waxanu intaa ku daray in markii hore ciladi ku timid Wiishka Rara Lo,da laalkiin Markiii La Hgaajiyay u Amar Bixiyay  Isuduwaha Wasaarada xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga e Gobolka Saaxil Axmed Xaaji cabdilaahi {Axmed loojee}  Isagoo Yidhi Xoolaha Dib halloo Celiyo,
Ganacsadae Shitar ayaana ku tilmaamay in tacadi loo gaysnanayo Xoolaha iyo ganacstada leh waayo ayuu yidhi Waxaynu ku jirna Xili xagaa aha Xoolahana habeenkii ayaa la raraaa dabcana maanta Isha kaliya e Xoolaha Somaliland u Furan waa wadanka Cumaan o aan marnaba istaagin Waxaanu nasiib daro ku Tilmaamay in Isuduwaha wasaarada xananada Xooal e G saaxil  Axmed xaaji Cabdilaahi u Amar iska Rido iasagoon Dhinacnaba xaaladooda Eegin,
Ganacsadae Shitaar Ayaa hadalkiisa Wuxuu ku soo xidhay Waxaan baaaq u Diraynaa Ayuu Yidhi wasiirka wasaaarada xanaanad xoola iyo kaluumaysiga Somaliland in u Arinkana Xoolaha hoos loo  Eego o Sidii Barigii Hore loogu Adeegi Jiray gamacsatada Xoolaha dib loosoo celiyo,
Hadaba waxaanu isku daynay in aanu Khadka Teloofanka wax kaga waydiino Eedaymahan ay ganacsatada Xooluhu u jeediyan Isuduwe Axmed loojee Laakiin Telofanka Wuu qaban waayay