Tom Cruise ayaa doonaya inuu bog cusub ka sameysto taariikhda shirkadda filimada Hollywood, isagoo markii ugu horreysay abid filim kusoo sameynaya hawada sare.
Arrintaas ayaa ah mid aan wali lagu fakarin, laakiin atoorahan – oo lagu yaqaanno inuu marar badan oo hore u bareeray ficillo khatar weyn galinaya naftiisa – ayaa go’aansaday inuu xirfaddiisa jilitaanka heer kale u gudbiyo.
Hay’adda arrimaha hawada u qaabilsan dowladda Mareykanka ee Nasa ayaa Tom Cruise kala shaqeyneysa inuu filim kasoo sameeyo xaaladda ka jirta saldhigyada hawada sare, isagoo si run ah u tagaya halkaas.
Ilaa hadda wax faahfaahin ah lagama hayo qisada dhabta ah ee filimkaas, laakiin wargeyska Deadline – oo markii ugu horreysay sheekadan soo tabiyay – ayaa sheegay inuusan noqon doonin qeyb cusub oo ka mid ah musalsalkii caan baxay ee Mission: Impossible.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Cruise, oo hadda 57 jir ah, uu sidoo kale la shaqeynayo shirkadda howlaha safarrada qaabilsan ee Elon Musk’s SpaceX, taasoo dabayaaqada bishan saldhigga hawada sare ee ISS u qaadi doonta labo cir bixiyeen oo ka socda hay’adda Nasa.
Agaasimaha Nasa, Jim Bridenstine, ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray: “Nasa waxay aad ugu faraxsan tahay inay la shaqeyso Tom Cruise oo filim kusoo sameynaya saldhigga hawada sare!”
Cruise ayaa sanadkii 2013-kii jilay filim uu iska dhigayay cirbixiyeen, kaasoo qisadiisu ahayd inuu nooleyaal qalaad ka difaaco kheyraadka dabiiciga ah ee adduunka.
Wuxuu sidoo kale codkiisa ku tabiyay barnaamij xaqiiq ah oo sanadkii 2002-dii laga diyaariyay saldhigga hawada sare.
Lama oga goorta uu xiddigan si run run ah u tagi doono saldhigga hawada ee ISS.
Cudurka coronavirus awgiis, shirkadda SpaceX waxay 27-ka bishan qaadi doontaa labo cirbixiyeen oo kaliya, inkastoo dayax gacmeedka ay raacayaan uu qaadi karo 7 ruux, laakiin laga baqayo inuu saameyn ku yeesho cudurka.
4 jeer oo uu Tom Cruise waxyaabo aad u khatar badan sameeyay intii uu xirfaddiisa jilitaanka waday
Jilaagan oo ka mid ah atooreyaasha ugu caansan Hollywood-ka, oo halyeynimo loo aqoonsaday, haddana Cruise waxaa si gaar ah loogu sii yaqaannaa inuu sameeyo waxyaabo halis ah oo uu si iskiis ah ula imaado.
Miles Teller oo Tom kala qeyb qaatay filimka cusub ee Top Gun, oo la wareysanayay ayaa yiri: “Markii la yiraahdo waxan suurtagal ma aha, Tom wuu xaqiijiyaa inay dhici karaan.”
Ficilladiisa ugu halista badan wuxuu ku sameeyay filimkiisii laga daba dhacay ee Mission: Impossible, kaasoo uu ku jilo magaca Ethan Hunt.
1. Inuu dabaqyo dhaadheer isaga kala booday (oo uu lugta ka jabay)
Sanadkii 2017-kii, lugta ayuu ka jabay mar uu ka boodayay dabaq isagoo kusii boodayay dabaq kale (Fiilo ayaa ku xirneyd), wuxuuna markaas mid ka mid ah xalaqooyinka filimka Mission: Impossible – Fallout.
Isagoo fahmay inay lugta ka jabtay ayuu haddana dhutiyay oo uu sii waday orodkiisii.
“Waan ogaa inaan jabay,” ayuu goor dambe ku yiri barnaamijka The Graham Norton. “Waxaan dhahay kaliya ‘aa,’ waana iska sii watay howsheyda. Waan helnay muuqaalkaas, filimka ayuuna noogu jiraa.”
Simon Pegg oo filimkaas la jilayay ayaa ku kaftamay: “Qof walba wuxuu yiri waa shaqadiisii lagu yaqaannay. In duubista muuqaalka lasii wado iyadoo lugta ay kaa laalaaddo – waa wax dabeecaddiisa ah.”
2. Inuu bannaanka ka fantay dabaqa ugu dheer adduunka
Sanadkii 2011-kii, mar uu sameynayay xalaqadii filimka Mission: Impossible – ee Ghost Protocol, Hunt waxaa la arkay isagoo fananaya dabaqa ugu dheer caalamka ee Burj Khalifa oo ku yaalla magaalada Dubai – xilli uu waliba bannaaka ka fuulayay.
Inkastoo Cruise uu 4 bilood u tababaranayay arrintaas, qalab markii dambe la qariyayna ay ku xirnaayeen, wuxuu sheegay inay aad u dhibeysay dabeysa xoogga badan, markii dambeyna uu ku khasbanaaday inuu daaqad ka galo.
“Ilaa muddo ayey igu qaadatay inaan inaan tababarto ka hor inta aanan howsha galin,” ayuu yiri.
3. Inuu iska laalaadiyay diyaarad kaceysay
Xalaqadii filimka Mission: Impossible ee Rogue Nation Cruise wuxuu iska laalaadiyay diyaarad hawada galeysay, wuxuuna ku heystay faraha fooddooda oo kaliya.
Runtii qofkaas isaga ayuu ahaa, diyaaraddana waxay ahayd mid si run ah u kaceysay.
Wuxuu ficilkaas sameeyay 4 jeer muddo labo maalmood gudahood ah. Wuxuu xirnaa qalabka badbaadada, laakiin shaqaalihii filimka waxay wadda diyaaradda ku carareysay ka nadiifiyeen quruuraxa ku dhici kara isaga ee waxyeellada u geysan kara.
Waxaa kale oo uu halis aan laga badbaadin karin ugu jiray weerarrada xayawaannada duula.
“Marka aan ku soconnay jidka ay diyaaraddu ku cararto, waxaan ka walwalsaneyn weerarka shimbiraha qaarkood, wax kasta oo ay taayarrada diyaaradda soo tuuraan iyo quruuxaha ay soo jiitaan qalabka wax nuuga ee diyaaradda,” ayuu yiri Cruise oo la hadlayay warbaahinta USA Today.
“Waxaan xasuustaa inuu igu dhacay dhagax yar, ma rumeysan kartid. waxaan u maleynayay inuu iga jabiyay mid ka mid ah feeraha, nasiib waxaan ku lahaa inuu funaanaddeyda ku dhacay oo uusan iiga dhicin gacanta ama wajiga, hadduuse meel jirkeyga ka bannaan ku dhici lahaa wuu dhex gali lahaa.”
Mic ka mid ah ficilladiisii ugu caansanaa wuxuu ahaa kii uu sameeyay markii uu jilayay muuqaalkii lagu billaabay filimka Mission: Impossible 2, markaas oo Hunt uu fuulay – uuna ku sigtay inuu kasoo dhaco – dhagax aad u dheer oo af fiiqan.
Tom Cruise xilligaas waxaa ku xirnaa xarig qafiif ah oo markii dambe filimka muuqaalkiisa laga jaray. Lakiin taasi walwalka kama yareynin hagihii filimka, John Woo.
“Waan ka xanaaqay markii uu sheegay inuu ficilkaas sameynayo, waxaan isku dayay inaan ka celiyo laakiin waan kari waayay,” ayuu yiri mar uu wareysi bixinayay hagaha filimkaas. “Aad baan uga cabsanayay, dhidid ayaa iga da’ayay. Xitaa ma daawan karin muraayaddii lagala socoday markii aan duubeynay.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.