Marxuumka la dilay Cumar Maxamed Yuusuf
Ilo’ wareedyo ku sugan Boosaaso, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in Boosaaso lagu dilay marxuum Cumar Maxamed Yuusuf, oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Puntland.
Dableey hubaysan, ayaa abbaare 10:00 subaxnimo ee shalay, waxay gudaha Boosaaso ku weerareen askarigan, xilli uu ku sugnaa isgoyska laga raaco baabuurta u baxda magaalada Qardho,
Is-rasaasayn mudda daqiiqado ah socotay, ayaa dhexmartay askariga iyo kooxda soo weerartay oo ka koobnaa lix nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo aan weli xaqiijin ciday yihiin & Halkay ka tirsan yihiin
Waxaase xusid mudan, in mudadii Rasaastu dhexmaraysay askariga iyo kooxda hubaysan, aysan jirin cid u soo gurmatay, waxaana marxuumka jidhkiisa ku dhacay ilaa sideed xabbadood oo ay rideen kooxdii soo weerartay, kuwaas oo u gaystay dhaawac culus oo uu markii dambe u geeriyooday.
Sida ay xaqiijiyeen ilo’ wareedyo sugan, isgoyska dilku ka dhacay oo xilligaas ahaa mid mashquul badan, waxaa dadkii halkaas ku sugnaa ay noqdeen kuwa cararay, kuwa goobahooda ganacsiga hoosta ka xidhay iyo kuwa iska daawanayay askariga la dilayo.
Dableeydii marxuumka dilay oo aan weli dhinac ay ka tirsan yihiin la xaqiijin, ayaa goobta isaga tegay, waxaana ay sii qaateen qorigii uu watay askariga oo uu daqiiqado ku dagaallamayey.
Dilkaas ayaa ku soo beegmaya, xilli uu sii xumaanayo Amniga magaalada Boosaaso, halkaas oo dilal qorshaysan ka dhacayeen todobaadyadii u dambeeyay.