Hooyo u dhalatay dalka Indonesia oo lagu magacaabo Hana ayaa muddo kadib waxaa ay kulmeen wiil ay dhashay oo ay kala maqnaayeen 15 sano.
Hooyadan iyo canugeeda oo lagu magacaabo Iwan ayaa kala lumay sanadkii 2005, xilligaas oo wiilka uu ix jir ahaa, waxaana ka geeyay dagaallo ka dhacay dalkaasi.
Iwan iyo aabihii ayaa waxay u qaxeen dalka Malaysia, waxayna sheekada Iwan soo shaac baxday, kadib markii uu kasoo muuqday warbixin ay BBC-da ka diyaarisay dadka soogalootiga ah ee ku nool dalka Malaysia balse kasoo jeeda Indonesia.
Iwan wuxuu dalkaasi uga shaqeynayay qaab soogalootinnimo ah, isaga iyo aabihii-na ma aysan awoodin in ay dib ugu laabtaan dalka Indonesia, maadaama aysan heysan baasabooradda ay ku safri lahaayeen.
“Aad ayay ii dhibeysaa in aan garaneyn halka ay ku sugan tahay hooyadey , dukumenti aan dib ugu laabto dalkeyga ma heysto, waxaana doonayaa in aan mar uun arko hooyadey,” ayuu yiri Iwan oo xilligaas la hadlayay BBC laanta Indonesia.
Iwan wuxuu xilligaas BBC-da la wadaagay sawirrada xilligii uu yaraa, kuwaasoo qeyb ka noqday warbixintii ay baahisay laanta la hadasha Indonesia.
Maalmo kadib markii la baahiyay warbixinta ayaa Iwan adeerkii oo ay wada joogaan hooyadii waxaa uu baraha bulshada ku arkay warbixinta BBC-da oo ka hadleysay dadka soogalootiga ah ee kasoo jeeda dalka Indonesia, balse ka shaqeysta dalka Malaysia.
Sawirradii iyo magacii Iwan ayaa waxaa uu la wadaagay hooyada dhashay wiilka, waxaana taas ay keentay inay lasoo xiriiraan BBC-d, iyagoona weydiiyay halka uu ku sugan yahay wiilkooda.
“Waxaan ogaaday in sawirka uu yahay Iwan, xaaskeyga markii ay shaqada ka timid oo ay guriga timid ayaan tusay sawirrada, waxaana ku iri, kan ma wiilkaadaa? waxay igu tiri, Haa, waa canugeyga, waxaana ku iri BBC-da ayaa warbixin ka diyaarisay ee aan la xiriirno,” ayuu yiri Ichal Bin Janaru oo ah Iwan adeerkii, ayna hadda wadajoogaan hooyadii.
Markii ay lasoo xiriireen BBC-da ayaa weriyeyaal katirsan waxay booqdeen hooyada dhashay Iwan, si ay u xaqiijiyaan in wiilka iyada ay dhashay iyo in kale.
Kadib markii la xaqiijiyay in Hana ay tahay hooyada saxda ah ee Iwan ayaa iyadoo qiireysan oo ilmeyneysa ayay weriyaha BBC-da weydiisay bal in wiilkeeda uu xusuusto.
“Ma hubtaa inuu yiri hooyadey waa Hana, Alxamdulilaah weligeyba waan ogaa in wiilkeyga uu nool yahay, mana arkin tan iyo markii uu iga tegay, wax xiriir ah naga ma dhaxeynin, teleefon aan ka wacana kama heynin,” ayay tiri hooyo Hana.
Maalma kadib hooyo Hana waxay u safartay dalka Malaysia, si ay usoo aragto wiilkeeda Iwan, markii ay ka gashay albaabka guriga uu degan yahay waxay ku booday wiilkeeda oo ay isku duubtay iyadoo ilmeyneesa.
“Wiilkeyga, waxaan ahay hooyada, waan ku jeclahay, hab isii wiilkeyga, runtii aad ayaan kuu jeclahay,” ayay tiri hooyo Hana.
Iwan markii ay is marxabeeyeen hooyadii waxaa uu muuqalaada tooska ah ku wacay walaalladii, waxaana uu u sheegay in mar dhaw uu u imaan doona.
“Markii hore uma aanan heysan in hooyadey ay nooshahay, balse markii aan indhaha saaray ayaa rumaystay inay nooshahay,”ayuu yiri Iwan.
Marka uu dib ugu laabto dalka Indonesia, waxaa uu heli doonaa dhalashada dalkaasi, markale ayuuna la midoobi doonaa qoyskiisa, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku nool yahay aabihii.