alyaaniga ayaa ilaa 16 milyan oo qof karantiilay isagoo isku dayaya xakameynta faafitaanka caabuqa cusub ee coronavirus.
Qof walba oo ku nool gobolka Lombardy iyo 14 kale oo gobol oo bartamaha iyo waqooyiga dalkaasi ku yaalla ayaa u baahnaan doona oggolaansho uu ku soo galo amaba kaga baxo gobolladaas. Magaalooyinka Milan iyo Venice ayuu sidoo kale go`aankan saameeyay.
Iskuullada, jiimka iyo meelaha lagu dabaasho ayaa xirnaan doona iyadoo isu imaatinnada bulshadana la hakiyay, sida uu sheegay Ra`iisul Wasaaraha dalkaas Giuseppe Conte.
Tallaabooyinkan ayaa sii socon doona ilaa 3-da April.
Talyaaniga waa dalka ugu daran dalalka Yurub ee caabuqu uu sida ba`an u saameeyay, waxaana shalay laga soo sheegay koror badan oo tirada dadka uu soo ritay ah.
Horraantii toddobaadkan dowladda ayaa ku dhawaaqday in muddo 10 maalmood ah la xiro iskuullada iyo jaamacadaha dalkaas ku yaalla.
Khasaaraha dhimashada ee dalka Talyaaniga ayaa gaartay 230, iyadoo ay saraakiishu sheegeen in ilaa 50 ay caabuqa u dhinteen muddo 24 saac gudahood ah. Tirada kiisaska la xaqiijiyay ayaa shalay sare uga kacay in ka badan 1,200 iyadoo gaartay 5,883.

Waxaanu dooneynaa inaan damaanad qaadno caafimaadka dadkeenna. Waanu garwaaqsan nahay in tallaabooyinka ay caqabado ka dhala doonaan, mararka qaar kuwo yar mararka qaadnna kuwo aad u badan,” ayuu yiri Mr Conte.
“Balse waxaa la joogaa waqtigii aan qaadi lahayn mas`uuliyadda.”

Tallaabooyinkan cusub waxaa ka mid ah, in dadku aysan iska geli karin amaba ka bixi karin gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Lombardy, oo hoy u ah 10 milyan oo qof, marka laga reebo xaalado degdeg ah. Milan waa magaalada ugu weyn gobolkaas.
Mr Conte ayaa sheegay in 14-ka gobol ee go`aankan uu saameeyay ay kala yihiin Modena, Parma, Piacenza, Reggio Emilia, Rimini, Pesaro and Urbino, Alessandria, Asti, Novara, Verbano Cusio Ossola, Vercelli, Padua, Treviso iyo Venice.
Ilaa iyo haatan keliya qiyaastii 50,000 oo qof oo waqooyiga Talyaaniga ku nool ayuu saameeyay go`aanka karantiilka.