Wasiir Jeelka xamar Ka Baxsaday, wararka Ugu yaabka iyo Qosolka badan e saaka Muqdisho yaala,

0

Kuxigeenka taliyaha booliska ee Soomaaliya, Sareeye-guutoZakiya Xuseen ayaa shaaca ka qaadday in saaka uu xabsiga ka baxsaday wasiirkii amniga Jubbaland, Cabdirashiida Xasan Janan.

Waxay sidoo kale sheegtay in laamaha amniga ay ku raad joogaan Janan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sannadkii lasoo dhaafay xabsiga dhigtay Cabdirashiid Janan, wasiirka amninga ee Jubaland. Dowladdu waxay sheegtay in Cabdirashiid Janan loo haysto “dambiyo culus” oo uu galay.

Zakia Hussen @ZakiaHussen

Wasiirkii hore Amniga Jubbaland Cabdirashid Xasan (Janan) ayaa saakay ka baxsaday halkii u ku xirnaa, heyadaha amniga ayaa ku raad jooga, inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanahaas oo loo haysto danbiyo kala duwan, shacabkuna ay soo wargaliyaan hadii ay arkaan.#Mogadishu