Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Dowladda Soomaaliya ayaa barteeda Twitter-ka kusoo bandhigtay nin fannaan ah oo magaciisa lagu sheegay Abshir Gaarane Axmed, kaas oo NISA ay sheegtay in uu ka tirsanaa kooxda fanka Gobolka Banaadir, haatanna Dowladda Federaalka ay sheegtay in uu katirsan yahay ururka Al Shabaab.
Ninkan ayay nabadsugidda Dowladda Soomaaliya sheegtay in Al shabaab uu u qaabilsanaa xuuraanka ama sahanka iyo maaliyadda, waxaana Cabdicasiis Afrika o katirsan warbaahinta dowladda uu sheegay in dabagal dheer kadib NISA ay gacanta kusoo dhigtay Abshir, wixii hadda ka dambeeyana loo gudbin doona hay’adaha garsoorka. uuqaalka lasoo dhigay Twitter-ka nabadsugidda ayaa waxaa ka muuqda Abshir Gaarane Axmed oo sheegaya in Al Shabaab uu wadashaqeyn la lahaa dhowr sano.
Al Shabaab waxaan la shaqo bilaabay sanadkii 2013-ka, shaqadeydu waxa waaye fannaan, waxaan ka shaqeeyaa Gobolka Banaadir, qeybtiisa fanka iyo suuganata, Al Shabaabna waxaan u qaabilsanaa qeybta macluumaadka iyo maaliyadda”, ayuu ku sheegay Abshir Gaarane muuqal ay nabadsugidda soo dhigtay Twiter-ka.
Heesaha uu qaado Abshir qaar kamid ah ayaa horay looga baahiyay telefishenka Qaranka ee Dowladda Federaalka, waxaana kamid ahayd hees uu u qaaday calanka Soomaaliya.
Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed ayaa hey’adda nabad sugidda iyo taliska booliiska ku bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay wadaan, wuxuuna intaa raaciyay in aysan jirin sabab loola yaabo wiilka fanka ku gabbanayay ee lasoo bandhigay.
Wuxuu intaa raaciyay in sharciga La-dagaallanka agagixisada wali uu horyaalo gollaha shacabka oo aan la meelmarinin, taasina ay tahay midda keeneysa in hay’adaha amniga mararka qaar ay noqdaan kuwo gacmaha ka xiran.
Waxaa aad baraha bulshada loogu hadal hayaa arrinta Abshir, waxaana si weyn loosoo baahinayaa heeso uu qaaday, sawirro uu galay iyo waliba qoraalo uu soo dhigay bar magaciisa ku qorantahay oo Facebook ah.
Dadka qaarkood ayaa isweeydiinaya dad kale een laga filaynin ee laga yaabo in ay Alshabaab u shaqeeyaan, waxaana dadka ku dhashay shaki aad u xoog badan.
Bar ay ciidanka nabad suggida ku leeyihiin baraha bulshada ayaa sidoo kale lasoo dhigay muuqaal muujinaya Abshir oo qiranaya in uu Alshabaab u shaqaynayay, una qaabilsanaa xagga maaliyadda.
Balse lama oga sida afkiisa looga keenay qirashada, goorta la xiray iyo sida lagu ogaaday hawlaha lagu eedeeyay.
Mid ka mid ah sawirada aadka loo baahiyay ee Abshir ku saabsan ayaa ah mid uu ku galay goobtii uu ka dhacay qarixii 14-kii Oktoobar, 2017-kii.