Facebook: Dowladaha Waa Iney Shuruucda Igu Caawiyaan

0

Mark Zuckerberg ayaa sheegay dowladaha iyo hay’adaha sharciga iney door muhiim ah ka qaataan sidii loo xakameeyn lahaa waxyaabaha Interneetka lagu baahiyo.

Warqadda furan uu Zuckerberg uu qoray oo lagu soo daabacay wargeyska Washington Post ayaa wuxuu ku sheegay xilka ku aaddan dabagalka waxyaabaha khaldan ee interneetka lagu baahiyo ay saarneyn shirkad oo keli ah.

 

Wuxuuna warqaddiisu uu ku dalbaday in afar arrimood shuruuc laga soo saaro: “Farriimaha waxyeellada leh, Doorashooyinka, Xorriyadda shaqsiyaadka iyo Xogaha grka ah ee ay dadku leeyihiin oo la gaari karo”.

Hadalka shirkadda ayaa imanaya laba toddobd kaddib marki uu ninki geystay weerarki ka dhacay Masaajid ku yaalla Christchurch ee dalka New Zealand isaga oo toogashada fulinaya uu ka baahiyey tabinta tooska ee Facebook.

Facebook oo iibsatay App toddobaadyo jiray
Facebook oo bilaabay barnaamijka “iga yara aamus”
“Sharciyaqaannada waxay marweliba ii sheegaan ayuu yiri Mr Zuckerberg iney facebook aasaasto laan shirkadda ka madax bannaan oo arrimahan si gaar ah u dabagasha marka shacabkuna waa iney aqbalaan go’aanka annaga”. ayuu yiri.

“Shuruucda la soo saari doonana waa iney noqdaan dhammaan shabakadaha caalamka ka jira mid ay u hoggaansamaan” ayuu yiri mr Zuckerberg.