Wasiirkii Hore ee Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Duulista Hawada ee Xukumadii Madaxweyne Axmed Siilanyo Maxamud Xaashi Cabdi oo quudaranaya Musharaxnimada Madaxtinimada Xisbiga Kulmiye Hadiiba uu wareejiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Labadii maalmood ee udanbeeyay ku sugna magaalada Berbera iyada oo shirweynihii Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiyena kaabiga soo saaran yahay laguna a qaban doono Magaalada Booranabishan 23.02.2019
Ex wasiir Maxamed Xaashi Cabdi ayaa dagan Hutelka DAMAL Ee Magalada Berbera isaga oo halkaas kulamo qarsoodiya kula yeeshay Madaxda dawlada ee Gobolka Saaxil iyo odayaal iyo waxgarad kaloo kamida golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.Waxaana la sheegay inu kulamadaasi ay la xidhiidhaan sidii uu usamaysan lahaa Maxamud Xaashi dad uu xulufaysto oo kujira golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo isaga afkaartiisa taageersan su uu u heloo hamigiisa ah in uu noqdo hogaanka ugu sareeya xisbiga kulmiye[Gudoomiye Xisbi] waxana sidaasi sheegaya xogo la xidhidha socdaalka Maxamud Xaashi ku joogo berbera
Ex Wasiir Maxamud Xaashi Cabdi ayaa ka soo kicitimay dhinaca Gobolada Bariga sida Caynaba iyo Togdheer oo uu Kulamo noocana kula soo yeeshay Xubnaha golaha dhexe kaga jira xisbiga kulmiye dadka deegaamadaas ku dhaqan iyo Xisbiyahanadii Xisbiga La soo shaqeeyay ee aan xukumada Madaxweyne Muuse biixi xilalka ka helin.
Lama garanayo ila wakhtiga uu Maxamud Xaashi Berbera ku sugnaan doono iyo talabooyinka kale ee uu qaadi doono.