Xukuumadu Ha Furfurto Lacagaha Ay Kaydinayso” … Xildhibaan Bashiir

0

Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ka Tirsan mudanayaasha aqalka golaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay in madaxwaynaha Somaliland looga baahan yahay inuu fuliyo balan qaadyadii uu sameeyay markii uu safarka ku marayay goboladda bariga.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay shacbiga u furto khasnada dhaqaallaha dalka. Xildhibaanka oo shalay warfidiyeennada qaar kamid ah la hadlay ayaa yidhi “Xukuumadu Lacag badan hortu way uruurisay lakiin goorta la bixin doono iyo goobta lagu bixin doona ayaanan garanayn,mid kalena madaxwaynahu waakii soo maray goboladda dalka oo maalihii uu soo marayna wixii uu ugu balan qaadayna waa laga sugayaa inuu deg deg u fuliyo.Sidaas ayaa uu yidhi

xildhibaan bashiir tukaale. Intaas waxa uu ku daray xildibaan Bashiir Tukaale isaga oo hadalkiisa siiwata.”

Dhaqaale Yari Kale majirtee waa lacagtaas la uruuriyay ee sanaa-duuqda lagu gurayo markaas waxaan leeyahay lacagta umada ha gasho oo wax qabadka umadda la galiyo ayay lacagtu wax ku noqonaysaa.