ย War-murtiyeed ka soo baxey shirweynihii Beesha Ciise Muse ee ka dhacay Galbeedka Caasimada London – Sabtidiiย 29/12/2018
Shirweynahan waxaa u dhamaaย bahweynta qurbe-joogta Ciise Muse ee degan magaalooyinka kala duwan ee wadanka ingiriiska. .
Shirka waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan karaan qurbe-joogta beeshu Horumarinta Degaanada ay degaan Beeshuย gaar ahaan Taakuleynta Arimaha Bulshada.Waxaa shirkaa warbixino togan oo muglehย soo jeediyeyย dhamaanย Ergooyinkii ka kala socdey,Magaalooyinka kala duwan ee UK, sida Birmingham,ย Manchester iyo Sheffield.ย ย Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada kala duwan ee haweenkaย Beesha Ciise Muse ee UK.
Shirka waxaa si qoto dheer loo qaa daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:
1- Sidii dar dar xoogan loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto,gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka.
2- Waxaa wax garadka iyo aqoonyhanka beeshu ay isla qaateen inย iyada oo taxadar iyo mudnaanba la siinaayo Nabadgelyada ay Somaliland maanta ku fadhido
in fiiro gaar ah loo yeesho dhulka ay beeshu degto ee Degaameynta bilaa sharciga ahย laga bilaabayย beryahan danbe.
.
3-.Waxaa Qurbe-joogta Beeshu soo dhaweeyeen Degmada cusub ee Masalaha Gorod amaย ( Qabri Gorod ) ee dhawaan la dhagax dhigay xafiisyadeeda .
4- Waxaa Beeshu carabka ku adkeysay in aanay Degmadaa cusub ka xigsan kana laheyn Beelaha kale ee walaalaha ah ee Degmada alleh ku abuuray.
5- Waxaa Beeshu isku waafaqday In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar kasta iyo goob kasta biyo kama dhib caan Lama taab taan muqadas ah.
6-ย ย Waxaa shirkaas lagu Doortay Gudoomiye cusubย oo uu noqdayย Mudane Ali Ibrahim Mohamed iyo ย Gudoomiye ku xigeen cusub oo ah Mudane Mohamed Ahmed Haji Adanย ,ย Guntii iyo Gebagebadii wuxuuย ย shirku ku soo dhamaadey Jawi aad u-farxad badan iyo heshiis wadareed mug leh oo af garad ah oo la isku wada waafaqeyย qodobadii ย shirka ka soo baxay oo dhan.
Waa Bilaahi Towfiiq
Gudida Qaban Qaabada Shirka
London UK