Toogasho khasaare badan geeysatay oo ka dhacday magaalada Strasbourg

0

Laba qof ayaa dhimatay, 11 kalana waa ay ku dhaawacantay toogasho ka dhacday magaalada Strasbourg ee bariga dalka Faransiiska, booliska ayaa sidaasi sheegay.

Nimanka hubaysan waa ay badanyihiin, ayay intaasi ku dareen boolisku.

Toddobo ka mid ah dadka uu dhaawaca soo gaary ayaa la sheegay in ay xaaladooda ay aadc u liidato.

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Fransiiska ayaa dhacadada ku tilmaamay xaalad amni darro ah waxa uuna dadka deegaanka ugu baaqay in ay guryahooda ku nagaadaan.Toogashada ayaa la sheegay in ay ka dhacday meel u dhaw suuq looga dukaameeysanayay agabka loogu tala galay ciidda masiixiyiinta.

Saraakiisha amniga ayaa xiray goobta uu weerarka ka dhacay.

Peter Fritz oo goob jooge ahaa ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlayay dhawaqa rasaasta uuna arkay qof la toogtay oo yaalla buundada. Waxa uu yiri waxaan isku dayay in aan soo badbaadiyo balse mayd ayuu ahaa.

Warar qaar oo aan la xaqiijin ayaa sheegay in Saddex qof ay dhinteen.

Weriye maxalli ah oo lagu magacaabo Bruno Poussard ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in uu maqlay raas badan oo lagu furay waddadii uu ku sugnaa- waxa uu yiri markii hore 1ama laba xabadood ayay ku bilaabatay kadibna baas ayay isku bedeshay.