Sidaynu ognahay garoonkii diyaaradha ee berbera waxaa ka socota shaqo balaadhan oo dib loogu casriyaynayo waxaanna dhisanaya dawlada imaraadka carabta, hadaba shaqadaa   wayn ee dhinacyada badan leh  eek a socota garoonka waxaa badiba k shaqeeya dad ajanabi ah inkastoo xukuumad Somaliland  marar badan ku cel celisay in shaqada wixii muwaadinku qaban karo aan lasiinin dadka waaridka lagu keenay ee ajanabiga ah,
Raga farsamo yaqaanada ah ee Reer Berbera ayaana tiroba afar jeer ka hadlay dhibaatada ka haysta shqo la,aanta iyo sida shaqadii aay qaban lahaayeen aay u hayaan dad u dhashay hindiya, bakistaan, iyo indho yar laga soo kiraystay wadanka imaaraadka carabta ,
Shirkada  qandaraska qaadatay ee dhisaysa garoonka diyaaradha berbera waxaay dhegaha ka furaystay amarada xukuumad Somaliland kazoo baxaya xataa digreetadii uu soo saaray madaxwayne biixi eek a hadlaysay xaqa muwaadinku u leeyahay shaqada wixii uu qaban karo,
Hadaba saaaka oo markii  shanaad aay   ka hadleen dadkan farsmao yaqaanka iyo muruqmaalka isugu jira ee magaalada  berbera ayaa  cabdi sulub oo kamida farsamoyaqaanada dhanka dhismaha mudo dheer kusoo jiray ayaa yidhi Ergo waay dhamaatay wasaardihii shaqadan lahaana   dacwdayadii waay gaadhay illaa iminkana waxba lagaba qaban  wiig walba waxaa debada laga keenaa 20 illaa 30 ajanaiya oo aan dalka u dhalan shaqadii aanu qaban lahayn,na iyaga loosoo kiraystaa,,
Mr cabdi Sulub o hadalkiisa sii wata mar uu la hadlaayay HWN wuxuu sheegay in xataa Beri  ama saandanbe aay ogadeen in shaqaale cusubi uga soo degayan garoonka diyaaradaha ee hargaysa , markaa wuxuu yidhi waxaan garan laanahay Amarada Madaxwaynaha iyo xukuumadu ma waxaan jirin baa oo afka baarakiisa ah,
Garoonka Diyaaradaha ee  Berbera way isleegyihiin Shaqalaha Ajaniga ah iyo   kuwa somalilandr ka ah ee ka shaqeeya sidaano illo xog ogaala ka helnayna shaqaalaha somalilanderka ahi malaha heshiis rasmiya oo lala galay , malaha xuquuqda aas aasiga ah, sida caafimaadka, fasaxyo iyo waliba goob aay seexdaan iyo cuntaba halka kuwa Ajanabiga ahi aay haystaan helaana heshehiis Rasmiya oo ay ku shaqeeyaan, Hoy Cunto, caafimaad xata wararka anu ka dhex helnay Shaqaalaha Aya noo xaqiijiyay in aanay isku mushshar ahayn muwaadinka iyo Ajanabigu oo waxaa laban lab badan Ninka Ajaniga ah inakstoo ay isku shaqo qabanayaan,