Madaxwaynaha Uganda oo Kulan Dhalinyaro kaga qaybgalay kampala Sheegay hadal Mujtamaca af sawaaxilga ku hadla oo dhan ka yaabiyay,

0

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale dood iyo muran xooggan oo caalamiya abuuray, laakiin markan mawduuca uu ka hadlay waa mid la xidhiidha jinsiga iyo kaalinta ay ragga iyo dumarku ku kala leeyihiin nolosha qoyska.

Waxa uu sheegay in guud ahaanba aanay shaqada ragga ka mid ahayn in ay cuntada kariyaan, marka uu ninku guursadana ay waajib ku tahay in aanu abidkii gelin madbakha.

“Muddadii aanu wada joognay Maama Janet (Xaaskiisa) oo 45 sano ah, weligay cag ma gelin madbakha .. waa sidaa sida ay tahay in uu dhaqanku noqdo,” Sidaas ayaa uu madaxweyne Yuweri oo 74 sano jir ahi ku yidhi, dhalinyaro hal-abuurro ganacsi iyo maalgashadayaal ah oo uu kula kulmay magaalada Kampala. Madaxweyne Yoweri oo hadalkiisa sii wata ayaa ku soo halqabsaday halkudheg ku jira afka Runyankore oo macnaheedu yahay, “Madaxa qoysku abidkii Madbakha ma galo”

Hadalka madaxweyne Yoweri ayaa qayb ka ahaa muran ka taagan kala saarista kaalinta ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo shaqaalaha rayidka ahi ku kala yeelanayaan maamulka dawladda gaar ahaan ilaha maaliyadda. “Sida keliya ee uu madaxweynuhu faraha ula geli karo barnaamijyada lacagta khuseeyaa, waa in ay dawladdu la socoto maamulka lacagta. Waa lacagtii dawladda” ayaa uu yidhi Madaxweyne Yoweri Museveni.