Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Taariikh: 24/10/2018
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Tixgeliyey:        Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;
Markaan Dersay:Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka
iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;
Waxaan go’aamiyey;
In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.