Berbera Labo sarkaal oo ka Tirsan Booliiska Degmada Berbera iyo sadex askari ayaa dhaawacyo kala duwan kazoo gaadheen markii rag iyo haween wada socday shiid ku bilaabeen markii danbena gacanta ula tageen goob dhisme ka socday oo ku taala badhatamaha magaalada berbera,
Sarkaalak Hawlgalinta Booliiska Gobolka saaxail Aamin waxa soo gadhay Dhaawac Madaxa ah halka taliye ku xigeenkii saldhiga dhexe ee berbera cabdi muuse  sanka iyo afka dhagax kaga dhacay, sadexda askari aya la sheegay mid kamida in uu gacanta ka jabay sidaanu xogta ku helnay mid kamida ahina lugaha wax ka qabo halka askariga sadexaad dhaawac afka ah qabo iyo budhadh la sheegay in lagu garaacay
IDhacdadan ayaa waxay ka danbaysay kadib markii goobta dhismihu ka socday aay bur buriyeen dadkasoo horjeeday in goobtaa la dhiso
goobtan dhismuhu ka socday ayaa waxaa dhisanayay oo dhul ahaan iska lahaa maxkamdaha somaliland dhawaana ayaana laga raray dadkii deganaa, illaa iminka mashaqadan waxaa loo xidhay labo nin oo booliisku ku tilmaameen ragii gaystay dhaawaca,
Dhacdadan oo galabta dhacday ayaa shabakada HWN isku dayday in aay la wax ka waydiiso taliayaha qaynbta booliiska gobolka saaxil iyo badhasaabka saaxil laakiin noomay suura galin in aanu helno,