Taajirka ugu da’yar Afrika ayaa niman wejiga soo duubtay waxay ka afduubteen hoteel ku yaalla magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.
Booliska oo xaqiijiyay afduubka ayaa sheegay Maxamed Dewji oo 43 jir in si qasab ah looga ka xeystay qaybtiga jimicsiga ee hoteel uu marka ku sugnaa, waxaana afduubka lala xidhiidhiyey labo ruux oo ajanabi ah.
Ilaa hadda ma cadda ujeeddada laga leeyahay afduubka Maxamed Dewji oo lagu sheegay inuu yahay ninka ugu da’yar taajiriinta Afrika, iyadoo afduubkiisa loo xidhey saddex ruux.
Dewji oo ganacsade ah ayaa hadda hantidiisa lagu qiyaasay ku dhawaad 2 bilyan oo doollarka Maraykanka ah ayaa sidoo kale ah bilyaneerkakaliya ee ka soo jeeda dalka Tanzania, sida ay baahisay jariidadda dadka ladan ka faaloota ee Forbes.