Madaxwayne hantidii la boobay todabadii sano ee siilaanyo dalka xukumaayay ka daba tag oo soo celi, xildhibaano ka tirsan golayasha qaranka oo

0

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Siciid Gaani oo kawada tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay inuu kadaba tago Hantii Umadda Laga boobay wakhtigii ay dalka ka talinaysay Xukuumaddii Axmed Siilaanyo waxa kale oo ay Madaxweynaha ku hambalyeeyeen go’aankii uu gacanta dawlada dib ugu soo celiyay Haamaha Shidaalka Berbera iyo shirkadihii ka

hawlgalayay Madaarka Cigaal.Ugu horayn Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo arimahaasi Warbaahinta ka sheegay ayaa waxa uu yidhi: “Waxaan ku hambalyaynayaa Madaxweynaha Talaabooyinka Geesinimada ah ee uu qaaday,ee ay ka mid tahay Airport-kii Hargeysa,dhamaantood aad iyo aad ayaan ugu hambalyaynayaa, runtii waxyaabaha inta badan laga sugayay ayay ahaayeen, wax badan ayaalala wareegay Madaxeyna oo si sharci daro ah loola wareegay, oo hantidii Qaranka ahayd, Wixii dambena waa lagaa filayaa, inaad soo wada celiso ayaan Illaahay ka rajaynaynaa,hore ayaa loo soconayaa, waa in lagu taageero Madaxweynaha Waxyaabaha fiican ee uu qabtay”.

Sidii kale Xildhibaan Siciid Gaani ayaa isna waxa uu yidhi: “Hambalyo ayaanu leenahay Madaxweynaha Talaabadaasi geesinimo leh ee la sugayay ee uu ku dhaqaaqay, Madaxweyne Waxaanu leenahay waa talaabo aad dhinaca Fiican u qaaday, hantidii Qaranka wixii laga boobay wixii laga gaadhay ayaynu cayminaynaa, waanu kugu taageersanahay, waxaase hadhay ayaanu leenahay Madaxweyne Warshadii Laydhka Hargeysa iyo Dekedii ayaa kuu hadhay,oo iyagana Kuligood sida sharci darada ah loo boobay,dad gaar ahna la iska siiyay, waan kaa sugaynaa kuwaasna inay kadaba tagaan oo aad si geesinimo leh ugu dhiirato iyagana, iyo wixii Dekeda ku wareegsanaa oo la boobay, waxaasi oo dhan ayaanu kaa sugaynaa”

Xildhibaan Siciid Gaani oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi: “Waxaa iyaduna meesha kujirta in la isla eego haamaha Gaar ah ee sida Private-ka ah loo samaystay, Suuragal maaha in Haamo si gaar ah loo samaystay oo ay ciddi yeelato, Haamaha waxaa iska leh Xukuumadda uun, Waliba aagga ay imika ku yaaliin ee dadka la siiyayna waa kasii xagjiraan,talaabadii u horaysay iyo warbixintii aanu kasoo samaynay Bari aanu tagnay waxay ahayd, inaan aagaasi wax kale laga samayn Karin ee ay haamahaasi noqdaan kuwo dawladda ah, waxaa la sheegayaa in kuwii laga agdhisay kuwo kale oo ay ka mid yihiin nooca Gaasta lagu kaydiyo kaasi oo khatar iyo halis ku ah Dekedda iyo magaaladaba, dhulkaasi wax gaar loo leeyahay lagama dhisan karo sidaan aaminsanahay, Madaxweyne go’aankaasi waa Go’aan uyaala Madaxtooyadda iyo Goleyaashaba, Goluhuna waa inuu soo nidaamiyo wixii sharciyo ah, adiguna waa inaad fulinteeda sidaa aad ugu dhiiratay waanu kugu barbar taaganahay hambalyo ayaanu ku leenahay”. Ayuu yidhi Xildhibaanku isaga oo arrintaa ka hadlayay.